Gabiley: Shinni Cadhaysan Oo Shalay Kala Xidhay Waddooyin Iyo Isku Socodka Dadweynaha

Gabiley: Shinni Cadhaysan Oo Shalay Kala Xidhay Waddooyin Iyo Isku Socodka Dadweynaha
116shiini

Hargeysa, February 4, 2014 (Salaanmedia.com) – Kumanaan Shinni gadoodsan ayaa shalay kala xidhay qaar ka mid ah Jidadka, hakadna galisay isku socodka dadweynaha magaalada Gabilay ee xarunta gobolka Gabiley, ka dib markii abaara 3:10 galabnimo ay Geerashka Ilma Cawil ee ku dhaw saldhiga dhexe ee Gabiley ay Shinnidaasi oo halkaasi ku jirtay ay mar kaliya hawada isku shareertay, isla markaana kala xidhay Jidadka ka agdhawaa goobtaasi iyo dadweynaha oo xilligaasi u diyaar garoobayay Salaadii Casar, waxaana la sheegay in dadkii meeshaasi marayay ay guryaha ka ag dhaw gabaad u miciinsadeen si ay uga galaan dagaalka Shinnidu ku soo qaaday dadweynaha.
Sida ay ku soo wareen dad goobjoog ah ayaa sheegay in Shinnidaasi ay galaysay Geerashka ilma Cawil, isla markaana abaara Salaadii Casar xilli loo diyaargaroobayay ay iyadoo cadhaysan kala xidhay agagaarka Geerashkii ilaa waddooyinkii ka agdhawaa, iyadoo dadkii Masaajidada ku socday xilligaasi ee Salaada casar soo gudanayay uu qofkastaaba miciinsaday gurigii ama meharadii u dhawayd inuu kaga gabado dagaalka Shinnida cadhaysani soo qaaday.
Waxaana la sheegay in Shinnadan oo in muddo ahba geerashkaasi galaysay aanay wax dhibaato ah oo hore gaysan, balse shalay galab loo malaynayo in Malab ay samaysay lagala baxayay, taas darteedna iyadoo cadhaysan ay muddo saacad iyo badh ku dhaw kala xidhay isku socodka dadweynaha iyo jidadka qaarkood magaalada Gabilay, waxaanay wararka ka imanaya Gabilay intaasi ku dareen in dhawr qof ay qaniintay, balse ilaa hada lama sheegin khsaare intaa ka badan oo ay gaysatay Shinnadaasi gadoodsani.

Laaqalo