GACAN KUDHIIGLAYAASHII DILKA UGEYSTEY TALIYIHII SALDHIGA BOOLISKA XAAJI SAALAX MARXUUM HURE OO LAGU DABA JIRO IYO RAADKOODA OO LAGU SHEEGAY RAAMAALE

GACAN KUDHIIGLAYAASHII DILKA UGEYSTEY TALIYIHII SALDHIGA BOOLISKA XAAJI SAALAX MARXUUM HURE OO LAGU DABA JIRO IYO RAADKOODA OO LAGU SHEEGAY RAAMAALE

Brok news

Xaaji-Saalax(Salaanmedia.com)-Ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa kililka shanaad ee raadacada ku ahaa gacan kudhiiglayaashii, dilka u geystey Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Xaaji Saalax Marxuum Hurre Saahid ayaa, la sheegay in y ku raad joogaan nawaaxiga ugu dambeysey ee ay ku sugan yihiin oo lagu sheegay deegaanka Raamaale, oo katirsan kilika shanaad ee udhexeysa daroor iyo Cadaada

Sida ay Salaanmedia.com u xaqiijiyeen Saraakiil sare oo katirsan Ciidamada Booliska Somaliland waxa lagu raad joogaa nawaaxiga ay uga talaabeen xuduuda gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystey Marxuum Hurre Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Xaaji-Saalax oo katirsan Gobolka Hawd(illaahey naxariistii jano hasiiyee), waxaana la sheegay in goor dhaweyd Ciidamada ku raad jooga gacan ku dhiiglayaashu ay bidhaantooda ku halacsadeen

Laaqalo