Galatasaray Oo Ciyaaryahan Da’ Yar Kala Soo Wareegtay Borussia Dortmund

Galatasaray Oo Ciyaaryahan Da’ Yar Kala Soo Wareegtay Borussia Dortmund
113calastray

Kooxda Turkiga ee Galatasaray ayaa la wareegtay daafacii da’da yaraa ee kooxda Borussia Dortmund Koray Gunter sida ay ku dhawaaqeen labada kooxood.
Kooxda Jarmalka ayaa ku heshay ciyaaryahankan isagoo 19 sanno jir ah oo ka ciyaara booska daafaca dhexe adduun lacageed oo gaaraya 2.5 milyan euro, isagoo haatan u wareegaya kooxda ka ciyaarta horyaalka Super Lig ee dalka Turkiga.
Dortmund ayaase heshiiska lagala wareegay ciyaaryahankan ku dartay qodob ah inay dib u soo iibsan karaan xilli ciyaareedka 2015-16 iyagoo markaas bixinaya 7 milyan euro.
Xidhiidhka kubada cagta Turkiga oo xadiday tirada ciyaartoy ee ajaaniibta ah ee u ciyaari karta koox kasta ayaa keentay in Lions ay diiradooda u weeciyaan xiddigo da’ yar oo Turki ah oo ka ciyaaro meelo ka baxsan Turkiga.
Galatasaray ayaa dhawaan la soo wareegtay xiddigii Basel Endoğan Adili iyo xiddigan ee dhalashada Belgium heysta Umut Gündoğan.

Laaqalo