GAROONKA DIYAARADAHA EE MAGAALADA LAAS-CAANOOD OO DIB U BILAABAY HAWLIHIISII SHAQO.

GAROONKA DIYAARADAHA EE MAGAALADA LAAS-CAANOOD OO DIB U BILAABAY HAWLIHIISII SHAQO.
diyaarada laaz

Laas-Caanood(Salaanmedia.com):- Gegida Diyaaradaha Ee Magaalada Laascaanood Oo Muddo Xidhnayd Ayaa Hadda Si Rasmi Ah Dib Ugu Bilowday Hawlaheedii Iyadoo Duulimaadada Diyaaradahu Ay Si Joogto Ah Diyaaraduhu Ugu Soo Degaan Garoonkaasi.
Isuduwaha Wasaaradda Duulista Hawada Ee Gobolka Sool Md Saxardiid Bile Cawed Oo Maanta La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In Uu Garoonku Dib U Bilaabay Shaqadiisii, Duulimaadaduna Ay Caadi Yihiin.
Md Saxardiid Waxa Uu Ugu Baaqay Shirkadaha Isgaadhsiinta Inay Adeegsadaan Garoonkaasi, Ugana Faa’iidaystaan Dhinacyada Xajka Iyo Ganacsigaba Isagoo Ballanqaaday Inay Wasaarad Ahaan Garoonka Diyaaradaha Ee Laascaanood U Dhamaystiri Doonaan Adeegyada Lagama Maarmaanka U Ah Duulimaadada Diyaaradaha Ee Isticmaalaya Garoonkaas
Laaqalo