Golaha Guurtida Iyo Akadamiyada Oo ka dhex-baxay khilaafka cakiran Ee ka dhex-taagan Golaha Wakiilada Iyo Guddida Labada Garab oo ka hadlay

Golaha Guurtida Iyo Akadamiyada Oo ka dhex-baxay khilaafka cakiran Ee ka dhex-taagan Golaha Wakiilada Iyo Guddida Labada Garab oo ka hadlay
Golaha

Hargeysa, 15 Feb 2014 (Salaanmedia.com)- Guddida Labada garab ee shir-godoonada u kala matelaaya khilaafka ka dhex-taagan ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay fadhigoodii ugu horeeyay ku yeeshay xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland. Isla markaana waxay sheegeen in iyagu hawshooda Gole ahaan dhamaysanayaan, kuwaas oo tilmaamay in guurtidu ka dhex-baxday arrimaha Golaha wakiilada ee
gaadhay xaalada cakiran oo khatar galin gaadhay ammaanka dalka. Xildhibaanada kala taabacsan Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo labada Guddoomiye ku-xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa labada dhinac-ba waxa laga soo xulay min toddoba xubnood oo kulankoodii is-kugu horeeyay is-kugu yimi, kulankaas oo qaatay saacado badan, warbaahintuna ay debadda ka joogtay, ayaa markii uu soo dhamaaday waxay labada dhinac-ba faahfaahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ka wadahadleen. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali (Cabdiraxmaan Dheere), oo isagu Guddoomiye u ah xubnaha wadahadalka u matelaaya garabka labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiilada ayaa warbaahinta faah-faahin ka siiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa sheegay innaanay jirin cid ku wahelinaysa wadahadalka ay doonayaan inay ku damiyaan khilaadka ka dhex-aloosan Golaha Wakiilada, waxaanu yidhi,“Labadayadii dhinac ayaa wada fadhiya oo cid nagu wahelisaa ma jirto. Anaga ayaa hawshayadii wadana oo anjadahayaga ayaanu ku dabaqaynaa wixii maanta ka dambeeya haddii ALLe ka dhigo.” Cabdiraxmaan Dheere waxa uu hadalkiisa sii raaciyay.“Natiijada wadahadalkayaga waxa leh Golaha oo cid sugaysa oo immika loo gudbinayaa ma jirto. Gurtidiina haddii aanu dhamaysano, waxaanu ku wargelinaynaa innaanu dhamaysanay oo kaliya, ilaa haddana wax xala mahayno. Haddii lagu heshiiyo, markaas ayaanu ka jawaabaynaa.” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna Guddoomiye u ah xubnaha ee wadahadalka u qaabilsan garabka Guddoomiye Cirro, waxa uu yidhi,“Labadii Guddoomiye ee labada dhinac u igmadeen wadahadalka waanu joognaa. Waxaanu rajeenaynaa innaanu Golaha sharaftisii ku soo celino. Niman siddeed sanno meesha wada fadhiyay ayaanu nahay oo aad ayaanu isu-fahmaynaa.” Hase yeeshe dhawaaqan ka soo baxay xubnaha wadahadalka u qaabilsan labada garab ee isku haya awoodaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro iyo Baashe Maxamed Faraarax oo inta badan aad isu-hayaan Guddoomiye Cirro ayaa la saadalinayaa in mid-ba midka kale sigaara ula socdaan wadahadalka ay u igmeen xalinta khilaafka ka dhex-taagan xeerka awoodaha rifaaya labada Guddoomiye ku-xigeen iyo sidii labada kursi halkoodii lagu celiyo, balse markii todobaadkan khilaaf cakiran oo gaadhay gacan ka hadal labada dhinac ee xildhibaanada tageersan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, kuna kala guntadeen guurtida. Si kastaba ahaatee waxa la sheegay madaama Xaaji Cabdi waraabe iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore haddii ay ka baxaan khilaafka ka dhex-taagan Golaha Wakiilada, laga yaabo inuu mar labaad soo noqdo, lama oga waxa uu ku dhamaan doono xaalada Golahaasi.

Ogaalnews