Gu: Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumada Siilaanyo Ku Dhaliiley Fara-Galinta ay Golaha Wakiilada Ku Hayso, Una Mahad Celiyey Ergada Dhex-Dhexaadinta+Arimo Kale

Gu: Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumada Siilaanyo Ku Dhaliiley Fara-Galinta ay Golaha Wakiilada Ku Hayso, Una Mahad Celiyey Ergada Dhex-Dhexaadinta+Arimo Kale
Daawo Muuqaal Faysal Cali Waraabe Iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Si Kulul Uga Soo Horjeestay Xayiraada Xukuumada Somaliland Saartay Telefishanka UNIVERSAL

Hargeysa(Salaanmedia.com) Feb.11. 2014-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ku dhaliilay xukuumada Siilaanyo, faragalinta ay ku haysay Maalmihii udanbeeyey Golaha Wakiilada, oo khilaaf ba’an soo kala dhex galay Madaxda sarsare ee Golahaasi, waxaana uu sheegay in Golayaasha Qaranku ay kala madax banaan yihiin, macquulna aanay ahayn in Gole uu Gole kale faragashado .
Waxaana uu hadalkan ka sheegay mar uu maanta ugu waramayey Magaalada Hargeysa qaar kamida Warbaahinta, isaga oo intaasi ku sii daray in ay si aada ugu mahad celinayaan ergadii isu xilqaantey dhexdhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiilada ee isagu jirtey Guurtida iyo Akadamiyada Nabada Iyo Horumarinta waxaana hadaladiisii kamid ahaa”…Hadaad mas’uul tahay inaad ficil tantid maaha,mar hadaad xil haysid, ficilka oo layidhaa waxaa kafiican tiiyoo layidhaahdo kaadi badane waa loo gogol badiyaa, Dawladu ficilka ha joojisaan leenahay waa kalmadaan Rayaale ku odhan jirey markay Kulmiye ishaysan jireen, ha ficil tamin ayaan odhan jirney madaxweyne riyaaloow, dee guurti kale ma jirtee Odaygaa Xaaji Cabdi Waraabe iyo Cabdiraxmaan Awcaliba,ragaa isxilqaamay waanu u mahad naqaynaa inay shalato arintii joojiyaan, baarlamaankana waxaan leenahay sharci iyo xeerbaad leedihiin, fargalinta dibada horta halaga joojiyo waa laba dhadhaar oo simanee, xaafadi xaafad waxay ugu wareegtaana waa xasaradee..”.
Eng:Faysal Cali Waraabe waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay dib udhaca ku yimid qabashada dood cilmiyeedii ay qaban qaabinayeen Akadmiyada Nabada iyo Horumarinta waxaana uu sheegay in arinta Baarlamaanka ka kadhacday ay tahay ta loo joojiyey isaga oo tilmaamay waxyaabaha lagaga hadli doono laba iyo labaatan sano kadib qodabada u baahan in wax laga qabto oo uu Dastuurka ,Doorashooyinka iyo Ictiraaf raadintu ay kamid tahay, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay tahay mid aan cidna loola jeedin oo ay tahay sidii aynu isu saxi lahayn.
Ugu danbeyntii waxaa uu kahadlay hanjabaadaha mudooyinkii udanbeeyey kasoo fatahayey Madaxweynah Maamulka Punland, waxaana uu ugu baaqay inuu joojiyo hanjabaadaha iyo colaada uu ka dhex curinaayo dadka walaalahaa ee isku Deegaan ka ah, isaga oo sida oo kalena uu ku eedeeyey inuu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu dabda kariixayo sidii ay u qabsan lahayeen dhul aanay lahayn, waxaana uu uga digay inay talbaabo xad gudub ah ay ku soo qaadan dhulka soomaliland.