Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Gudi Ka Socota Golaha gurtida U Saaray Dilkii Ka Dhacay Degmada Xaaji Saalax.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Gudi Ka Socota Golaha gurtida U Saaray Dilkii Ka Dhacay Degmada Xaaji Saalax.
Saleebaan gaall

Haragasay(Salaanmedia.co,m)-Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu manta uu ka hadalay arintii ka dhacaday degamada xaaji salax ee habeen hore lagu dilay talayahii ciidamada bilayska degamada X. Salax ee gobalka Daad Madheedh
Isla markana waxaa uu sheegay gudoomiyahu uu sheegay in arinta halkaas ka dhacay ay tahay arin aad khatar u ah in badan ay soo noq noqotay isla markaana ay golaha guurtidu gurmad ka gali doonto arintaas oo ay sida ugu dhakhsa badan uguna wanaagsan ay arintaas u gali doonto iskuna dayi doonto in ay soo afjarto arintaas oo marar badan soo lab laabatay
Waxan uu gudoomiyahu uu u sheegay xildhibanda golaha guurtida kuna war galiyey una in uu
magacaabi doono guddi ka socta golaha guurtida oo sida ugu dhakhsaha badan u baxi doonta kana hawl gali doonta sidii ay arintaas u so afjari lahayd
Hadaba waxaa uu gudoomiye saleebaan uu magacabay guddi u anaba baxi doonta xalinta arintaas waxayana ay kala yahiin :-
1 Xill.Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Gudoomiye)
2 Cabdinasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)
3 Xill. muuse ibraahim awnuur jiciir
4 Xill.cabdilahi ibarahim xirsi
5 Xill. Axmed Muuse Obsiiye
6 Xill.Cabdilahi Maxamed Xaaji Huruso
7 Xill.Xirsi Ciise Jamac
8. Xill. Axmed Wabari Maydhan
9 Xill.Diini Cabdilahi Hande

Waxaa la filayaa in gudidan oo u anba baxi doonta xalinta iyo dhameenta arinta ka dhacaday degmada X.salaax ee lagu dilay talyihii degamadaas sababo la xidhiidha Aano qabiil oo ka dhaxay beelaha wada dega degaankaas ay malinka bari ah ka anaba baxi doonta magalada haragasya
yadoo ay hore ay u jirteen wafatiyo ka tirsan xukuumada iyo odayaal dhaqeemku ka anaba baxay haragsaya iy burco oo u anba baxay xalintaa arintas
Laaqalo