Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro Oo Fadhigii Golaha Wakiilada Soo Xidhay, Xili Xukuumadii Loo Igmaday Talada Dalku Ku Mashquul San tahay Burburinta Golaha Wakiilada

ziilan iyo hirsi
Hargaysa: ( Salaanmedia.com)Iyadoo xukuumada Somaliland geer dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u burburin lahay goloha wakiilada ayaa saaka si caadi ah u bilaawday kalfadhigoodi , Fadhigan oo uu markii hore shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa habsami u socodkiisii waxa khalkhal ku abuuray Ciidamada Tirada badna oo ay dalbadeen sida ay wararku sheegayaan Labada Guddoomiye ku xigeen.
Ciro

Guddoomyaha Golaha Wakiilada ayaa ka guddoomay mudaneyaal soo gudbiyay laba mooshin, kuwaas oo kala ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Aqalka Wakiilada iyo waliba xildhibaano
iyaguna sitay mooshin dhigay in la dheereeye Kalfadhiga Aqalkaas oo maanta ku eekaa Laguna Daro Muddo Bil ah .
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku war geliyay Mudaneyaasha in labadan Mooshin uu gudbin doono Sharci Yaqaanka Golaha Wakiilada si uu uga soo baaraan dego, halkaasna uu fadhigoodu ku xidhan yahay.
goloha-60x45

Markii uu fadhigu soo xidhmay ayaa waxa hoolka ka dareeray Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo xildhibaanada intooda badan, halka ay ku hadheen Xaruntii Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka dib markii uu soo xidhay Fadhiga Saaka warbaahinta la hadlay waxaanu sheegay in ay xukuumaddu si weyn ugu hawlan tahay sidii ay u burburin lahayd Golaha Wakiilada, awoodeedana isugu geyn lahayd in uu fadhigaasi halkiisa ka sii socdo
Xaalad goloha wakiilada ayaa ah mid aad u cakarin iyadoo xukuumadii loo idmaday in ay ummadda u shaqayso ku mashquushay burburinta goloha wakiilada xili dagaalo laga soo sheegayo qaybo ka mid ah dalka

Laaqalo