Guddoomiyaha Togdheer iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Dhalliilo adag Is Waydaarsaday Read more: Guddoomiyaha Togdheer iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Dhalliilo adag Is Waydaarsaday

Guddoomiyaha Togdheer iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Dhalliilo adag Is Waydaarsaday

jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, 06 Feb 2014 (Salaanmedia.com)- Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku Eedeeyay Badhasaabka Gobalka Togdheer inuu iska hortaagay galitaanka magaalada Burco ee xarunta Togdheer iyo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa isaguna jawaab ka bixiyay eedaha uu u soo jeediyay Jamaal Cali Xuseen. Isla markaana waxa uu dhaliil-Xoogan dusha u saaray

Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, isla markaana waxa uu tilmaamay meelaha Guddoomiayah Ucid iyo Musharaxa Madaxweyne ee xisbigaasi iska shabahaan. Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid oo markii uu gaadhay magaalada Burco la hadlay dad weynihii soo dhaweeyay, waxa uus heegay in magaalada Burco inay soo galaan u diiday Badhasaabka Burco, ka dibna taageerayaashoodu xoog ku soo dhaafiyeen, waxaanu yidhi, “Markii weftiga murashaxu soo gaadhay huutelka Cigaal agagaarkiisa oo ah duleedka magalada Burco waxa la arkay ciidamo tiro badan oo dhooban halkaasi , kadiba waxa baabuurta ka soo daatay Taageerayashi xisbiga UCID iyo dad weynihii isoo dhoweynayey, waxaanay xoog ku jiidheen ciidamadii booliska ahayd, laakiin may jirin wax isku dhac ah.” Dhinaca kale Badhasaabka Gobalka Togdheer oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalo madaxda labaad ee Somaliland ee Burco, ayaa jawaab ka bixiyay hadalka ka soo yeedhay musharaxa xisbiga UCID, waxaanu yidhi, “Jamaal Cali Iyo Faysal Cali labaduba ilama Cali weyaan dhawr shaybay Wallaalo ka yidhiin malaynta odarska iyo misaanka siyaasadda waxay ka yihiin wallaalo Af-soomaaliga iyo eray bixintana wallaalay ka yihiin carabka iyo camalkana wallaalay yihiin wuxuu yidhi anoo oyaaya ayay waylina igu joogsatay tiyoo uu xisbiga faysal la lelaayo ayuu Jamaal-na ka kordhacay waxba kugu biirin mayo isaguna.” Badhasaabka Burco waxa kale oo uu hadalkiisa siiraciyay. “Waxaan leeyahay isaga iyo qayriiba siyaasada sidaa maaha waad ku soo dhacdeen uun bahasha waa loo dhashaa ayaan u maleenayaa waad taad arkaysenoo siyaasad xumadiinu waa tii xisbigiina looga yaacay waa tii gobolada dalka min Saylac ilaa Ceerigaabo laydinka cambaarenaayay markaa siyaasada barta oo luuqadeeda adeegsada intaad doonaysaan inaad belo abuurtaan.” Sidoo kale Badhasaabku waxa uu sheegay in musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID kaga hortageen magaalada sheekh, taas oo uu tilmaamay inay wadeen xidhayaasha Odayaasha ka soo jeeda beesha Jamaal, waxaanu yidhi, “Maanta (shalay), Musharxii xisibga Ucid oo koox hogaaminaaya ayaan ogaanay xalay waxaan kaga hortagnay anagoo magaalada Sheekh waxa yaalana ka shidaal qaadanayna baanu kaga hortagnay anigoo Odayashisii xidhayaashisii wadda waxaan gaadhsinay ilaa waar Magaaladu sidaad moodayso maaha waanad ku soo dushoo Burco waa laga shaqaynayaayoo dadkibaa la heshiisiinayaa markii aan arkay dadka la socda dad yaraantooda oo ay gelbinayaan ilaa toban gaadhi ayuu xafiiskiisa tegay markaasu ku khudbadeeyay waa nala diiday oo dadweynaha reer Burco ayaa noo hiiliyay xoogna ku soo dhaafay markaa eraygaas diciifnimada ah ayaa igu kalifay inaan u jawaabo.

Xigasho Ogaal