Guddoomiye Kuxigenka Xisbiga Waddani oo kulan la qaatay madax dhaqameedka B/Jibriil Yoonis

Guddoomiye Kuxigenka Xisbiga Waddani oo kulan la qaatay madax dhaqameedka B/Jibriil Yoonis
G K Xig ! aad Wadani

Borama: ( Salaanmedia.com)Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Mud. Axmed Muumin Seed ayaa maanta casuumad qado sharafo ah oo aad u balaadhan u sameeyey badi hogaamiye dhaqameedyada beelaha J/yoonis ee degaanka Boorama . Casumaddan oo ka dhacday Huteel Rays , balse anay saxaafaddu goobjoog ka ahayn, ayaa ah tii ugu horreysay ee siyaasi kasoo jeeda gobolka Awdal, ama xisbiyada siyaasadda Soomaaliland si gaar ah ugu fidiyo beelahaasi.
Dhinaca kale kulankan ama casuumaddan ay isku arkeen guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani, iyo hogaamiye dhaqameedyada beelaha J/yoonis ,ayaa kusoo beegmay wakhti ku haboon oo loo baahnaa, isla markaana anu jirin siyaasi ama musharrax ka tirsan beelaha la casumay oo shirbeeleed ay ka yeesheen arrimaha siyaasadda guud loogu dhawaaqay taageerada beelahaasi ka hor doorashooyinka dalka ka dhici doona mustaqbalka . Kulankan maanta ayaa sidoo kale loo arkaa inuu bilow u yahay xidhiidho kale oo dhex mara beelaha uu ka soo jeedo guddoomiye ku xigeenka Waddani, iyo kuwa beelaha J/yoonis ee ay maanta isku arkeen Huteel Rays, beelahaas oo indhawaaleba ku kala dhex jireen tuhunno iyo shaki siyaasadeed iyo kuwa dhaqan oo la tuhunsan yahay inay kala dhexdhigeen siyaasiyiin iyo masuulyiin ka tirsan xukuumadda iyo dad ujeeddooyin gaar ah ka leh ayaa lagu wadaa inuu kulankani daawo u noqdo, iskuna soo dhaweeyo labada beelood, iyadoo dhinaca kalena anay jirin hadallo duurxul ama aflagaadooyin siyaasadeed iyo kuwa beeled oo guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani u jeediyey beelaha kala duwan ee gobolka, marka laga reebo dhaliilaha uu kaga hadlo maamulka xukuumadda haatan dalka xukunta iyo tii ka horreysey ee Daahir Rayaaleba, sidaa darteedna loo arko Gudoomiye ku xigeenka siyaasi dhexdhexaad ka ah arrimaha beelaha gobolka Awdal, sifahaas oo qaybo badan oo kamid ah dadweynuhu ugu joogsadaan, kuna soo dhaweeyaan iyaga oo dareensan inay ku aamini karaan taageedadooda iyo hadii Eebe idmo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland Source:-cadceed.