Gudida Dhaqaalaha Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dawlada Ku Eedeeyey In Ay Six Un U Musuqmaasuqday Lacago Loogu Deeqay

Gudida Dhaqaalaha Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dawlada Ku Eedeeyey In Ay Six Un U Musuqmaasuqday Lacago Loogu Deeqay
Dhaqaalaha

Muqdisho: (Salaanmedia.com)-Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya Md Sheekh Aadan Madeer ayaa saxaafada u sheegay in dawlada Soomaaliya aaney ku dhaqmin miisaniyadii ay Baarlaamaanku ansixiyeen ee sanadkan.
Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in deeqoclacageed oo ay bixiyeen dalalka Turkey,USA iyo Italy la musuq-maasuqay.
Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Soomaaliya Md Sheekh Aadan Madeer ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay gebi ahaanba Musuq-maasuqday lacagaihii loogu deeqay Soomaaliya ee loogu talo galay mushaharooyinka ciidamada Amniga dalka.
Gudoomiyuhu waxa uu intaa raaciyay in sidoo kale ay xukuumadii hore ee dalka Soomaaliya ay qudhoodu sidaas oo kale lunsadeen mushaharooyinkii ciidamada Amaanka dalka.
Wasaarada Amniga ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhawaan jawaab ka bixiso hadalkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.

L Q L