Gudidii Turxaan Bixinta Kulmiye Oo Kulan Xumad-Jabin Ah U Qabtay Xalinta Khilaafkii Xisbigaasi Iyo Nuxurka Garnaqsigii Madasha

Gudidii Turxaan Bixinta Kulmiye Oo Kulan Xumad-Jabin Ah U Qabtay Xalinta Khilaafkii Xisbigaasi Iyo Nuxurka Garnaqsigii Madasha
turxaan

Hargeysa, February 25, 2014 (Salaanmedia.com) – Guddida turxaan bixinta ee uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay khilaafkii mudooyinkii u danbeeyey ka dhextaagnaa xisbigaasi ayaa shalay kulan xumad-jabin ah u qabtay dhinacyadii ay isku soo dhaweeyeen, kuwaas oo si wada jir ah u sheegay inuu si rasmi ah u dhamaatay xiisadii siyaasadeed ka dhex oognayd.
Kulankaas oo shalay ka qabsoomay xarunta xisbiga Kulmiye ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka qaybgalay madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi iyo ku xigeenadiisa, wasiiradda khaarajiga oo ah guddoomiyaha guddidii turxaan bixinta khilaafka xisbigaasi Maxamed Biixi Yoonis, maaliyadda C/Casiis Samaale, diinta iyo awqaafta iyo xubno sarsare oo xukuumadda iyo xisbigaba ka tirsan. Waxaanay dhamaantood ku dheeraadeen mihiimada ay dalka u leedahay soo afjarida khilaafkii kala irdheeyey masuuliyiinta xisigaasi iyo dawladda. ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha debadda isla markaana ah guddoomiyaha guddida turxaan-bixinta Maxamed Biixi, kaas oo marxaladihii dhex-dhexaadintii ay iskugu soo dhaweeyey dhinacyadaasi si qoto dheer uga xogwaramay isla markaana tilmaamay inay imika isku duuban yihiin xubnihii markii hore siyaasadu kala irdhaysay. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa farxad weyn ii ah aniga oo ku hadlaaya afkii guddida turxaan bixinta ee Madaxweynuhu magacaabay in ay maanta ay tahay maalin aad u weyn maalin qiima leh ,waayo Dimuqraadiyada ku jirta in afkaarta laysku khilaafo,may ahayn garaba is-haya, may ahayn kooxo iska soo horjeeda, afkaartaa ayuunbaa laysku hayey,taasina waxaa ay xisbiga ka dhigtay xisbi Dimuqraadiya, xisbi madax sharafleh ah, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay hadii aanu guddidii aanu nahay inaanu maanta aanu soo afjarnay oo maanta aynu dhidibka u aasayno xisbigii KULMIYE hogaankeeda iyo madaxdeedanana, inaga oo u wada dhan aynu taageero siinayno islana barbartaagayno. Waxaan intaa ku dhaafayaa in maanta ay hawshan inoo soo dhamaatay ay tahay mid kharyrleh, waxaanu aniga,gudida iyo culimadubana aanu ku dhamaynay khilaafka aanu ku dhexjirnay xaga diinta oo aanu ku akhrinay xadiis badan iyo dacwad fara badan oo Culimadu ay isagu tagtay in halkaa Ilaahay Nimanka ah u u qalbigooda u furo oo aan taa ku dawaynayno”.
Maxamed Biixi Yoonis isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey ”Horta xisbiga maantaa Iigu horaysa aniga, markaa waanan ku faraxsanahay in qudhaydu aan maanta imid, waxaanan filayaa Hadii Muuse Attendance Sheet uu sameeyo inaan kuwa ugu hor imanaya aan noqondoono waa in gacan lasiiyaa waayo marka qofku uu meesha u ku cusubyahay xisbiga kulmiyana aad maqasho waxaad odhanaysaa malaha hawl ayey uyara baahantahay”.
Sidoo kale waxa isaguna madashaasi ka hadlay oo hadalo garnaqsi iyo guubaabo iskugu jira madasha ka soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka hadlaya qodobadii ay guddida turxaan-bixintu soo saartay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Odayaashaa tobanka ah aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa inay iskaayo fahamsiiyeen wixii aanu ku murmayanay, waxaana uu jabku ka yimaadaa marka cid wax ku murmayso hadii ay waayaan cid waxaa ay ku murmayaan dhinac ka tusta, markaa guddidaa waxaan aad ugu mahad naqaynaa in waxii aan ku doodaynay ay dhinac naga wada tuseen oo ay hawl qabteen waana hawl taariikhiya oo ku jirta taariikhda Kulmiye”.
Muuse Biiixi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Intaa waxaan uga gudbayaa oon aad ugu mahad naqaynaa hadaan ahay guddoomiyihii Kulmiye, madaxdii Kulmiye ee heerwalba leh, guddoomiye ku xigeenada leh, gudi fulineed leh, gola dhexena leh ee aniga wax iga tirsatay ama rayiga aanu wadnay u qaadatay in awoodii Kulmiye ee xisbiga anagu wax ku xumaynayno, ee markaan isu macnaynayna aad iyo aad noola fahmay waanu ugu mahad naqaynaa”.
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), kaas oo uga mahadnaqay guddida turxaam-bixinta hawsha ay qabteen, isla markaana hadalo dar-daaran ah u soo jeediyey dhinacyadii xurguftu u dhaxaysa oo uu sheegay inay danta qaranka meel kaga wada jireen balse ay isku qabteen fikir, kaas oo bulshadda u sheegay inay ku mashquulsan yihiin arrrimihii loo doortay xisbul-xaakimka Kulmiye.

L Q L