Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Xubno Odayaal ah Oo U Ambabaxay Gogol Nabadeed Oo La Dhigay Deegaanka Kalshaale.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Xubno Odayaal ah Oo U Ambabaxay Gogol Nabadeed Oo La Dhigay Deegaanka Kalshaale.

Kalshaale
Burco(Salaanmedia.com)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo shan iyo toban Oday oo Reer Burco ah oo uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxaya deegaanka Kalshaale si ay wada xaajood ugala yeesheen Odayaal dhanka Buuhoodle ka imanaya Hal nin oo la dilay iyo mid dhaawac ah oo ay toddobaadkan Dileen Maleeshiyo Reer Buuhoodle ahi.
Odayaasha Buuhoodle ayaa la sheegay in ay Gogosha wadahadalka u dhigeen Odayaasha Deegaanka Qorilugud iyo Maamulka Togdheer si Heshiis Nabadeed looga gaadho weerarka lagu Dilay Halka Nin kaasoo ahaa mid gaadmo ah oo ay marka hore Geel ku dhacayeen aakhirkiina sababay dhimasho iyo dhaawac.
Deegaanka u dhaxeeya Qorulugud illaa Buuhoodle ayaa laga dareemayey maalmihii ugu danbaysay san-saan Colaadeed oo ka dhex bilaabantay labad Beelood, iyadoo la arkayey Ciidan beeleedyo is hubaynaya oo dagaal u diyaar garoobayey.
Labada Beelood ayaa dhawaan Heshiis ka gaadhay khasaare noocan oo kale ah oo kala gaadhay, waxaanay colaad muddo taagnayd kadib isla qaateen dhawr qoddob oo ay ka mid ahaayeen in ay nabad ku wada noolaadaan iyo in dhinac walbaaba bixiyo wixii khasaare uu gaystay.
Deegaanka Kalshaale Ee U Dhaxeeya Qorilugud Iyo Buuhoodle Ayaa Maalmihii u Danbeeyey Laga Dareemayey San Saan Colaadeed Oo Saameeyey Dadka Iyo Duunyadda Halkaasi Ku Nooli Balse Gogoshan Nabadeed Ee Hadda Lagu Wadda Hadlayo Ayaa Noqonaysa Mid wax weyn ka Tari Doonta Walaaleynta labadda Beelood Ee Oodwadaagta leh.