Gudoomiyaha Guurtida Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday, Loona Dhag Taagayo Hadalka Uu Ka Jeedin Doono Xidhitaanka Kalfadhiga 52aad Iyo Mawqifkiisa Go’aanadii Lagu Xaliyay Khilaafkii Wakiilada

Gudoomiyaha Guurtida Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday, Loona Dhag Taagayo Hadalka Uu Ka Jeedin Doono Xidhitaanka Kalfadhiga 52aad Iyo Mawqifkiisa Go’aanadii Lagu Xaliyay Khilaafkii Wakiilada
Saleebaan gaall

Hargeysa, February 25, 2014 (Salaanmedia.com) – Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo bil iyo dheeraad ah socdaal arrimo caafimaad ah ugu maqnaa dalka UK ayaa shalay dalka dib ugu soo guryo noqday, kaas oo la filayo in fadhiga maanta ee golaha Guurtidu yeelan doono oo si rasmiya loogu soo gunaanadi doono kalfadhigii caadiga ahaa 52aad ee goluhu ku guda jiray inuu ka jeedin doono khudbad ku wajahan socdaalkiisii UK iyo khilaafaadkii cakirnaa ee golaha Wakiilada ka dhex taagnaa xilligii uu dalka ka amba baxayay oo cirka isku sii shareeray intuu maqnaa, golaha Guurtiduna go’aano ay soo saareen ay ku xaliyeen khilaafkii Wakiilada.
Sida ay warbaahinta qaar ka mid ah u xaqiiyeen xubno ka tirsan golaha odayaasha ayaa sheegay in fadhiga ay maanta iskugu iman doonaan golaha Guurtidu oo lagu soo gunaanadayo kalfadhigii 52aad ee golahaasi ay xildhibaanadu u dhagtaagayaan khudbada uu gudoomiye Saleebaan uu ka jeedin doono gole weynaha, kaas oo si gaar ah looga dhursugayo arrimaha uu ka odhan doono khilaafaadkii Wakiilada ee la soo afjaray iyo guud ahaanba xaalada guud ee Somaliland marayso oo muddadii uu socdaalka dibadeed ku maqnaa aanu waxba ka soo odhanin xaaladihii dalka ka aloosmay.
Waxa kale oo fadhiga maanta ee golaha Guurtida la filayaa in warbixino iyo soo jeedimo ku wajahan hawlihii ay ku gorfeeyeen muddadii kalfadhigani socday ay gole weynaha soo hordhigi doonaan, taas darteedna gole weynuhu go’aamo iyo baaqyo ka soo saari doono xaalada dalku marayo, intaa ka dibna golaha Guurtidu si rasmiya u gali doono fasaxiisii kalfadhiga 52aad.
Dhinaca kale ajandihii kalfadhiga 52aad ayaan dhamaystirmin, isla markaana iyadoo qodobo door ahi ay qabyo yihiin oo ajandaha ku jiray ayaan ilaa hada la ogayn sababta keentay iyadoo ajandihii kalfadhigu aanu dhamaystirnayn arrinta gole weynuhu fasaxa u galayo, iyadoo ay jireena xubno wasiiro ah oo golaha Guurtidu u yeedhay oo iyagu soo xaadiray, balse shirgudoonku kaga cudur daartay khilaafaadkii golaha Wakiilada ee ay xalintiisa golaha Guurtidu ku jireen, kaas oo saamayn ku yeeshay hawlihii golaha Guurtidu ay qaban lahaayeen.
Gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu muddo bil iyo dheeraad ah safar caafimaad ugu maqnaa dalka UK gaar ahaan magaalo madaxdiisa London oo shalay ku soo guryo noqday caasimada dalka ee Hargeysa oo ilaa hada aan ka hadal xaaladihii khilaafaad ee golaha Wakiilada ka dhex taagnaa muddadii uu maqnaa iyo soo guryo noqoshadiisan ayaa la filayaa inuu gudoomiye Saleebaan fadhiga maanta ee golaha Guurtidu yeelan doono uu kaga hadli doono xaalada uu dalku marayo iyo sida uu u arko go’aanadii lagu xaliyay khilafkii golaha Wakiilada ka dhex aloosmay oo shacbiguna u dheg taagayo arrimaha uu ka odhan doono.
Xildhibaanada golaha Guurtida ayaa iyaguna fadhiga maanta kaga dhur sugaya khudbada uu ka jeedin doono xidhitaanka kalfadhiga 52aad gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaga la sheegay in muddadii la xalinayay khilaafka Wakiilada uu si xeeladaysan uga gabaday inuu wakhtiyadaasi khilaafaadka Wakiiladu taagnaa dalka ku soo guryo noqdo, taas oo dad badani u arkayeen in gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan uu taxadir weyn ka sameeyay inuu dalka ku soo guryo noqdo iyadoo khilaafkii golaha Wakiiladu taagan yahay.

L Q L