Gudoomiye Ciro Oo Qaddo Sharaf Maqaamkeedu Sareeyo Ugu Sameeyay Suldaan Madar Maxamed Ducaale Iyo Badiba Haldoorkii Somaliland Oo Ka Qayb Galay

CIRO !Gudoomiye Ciro Oo Qaddo Sharaf Maqaamkeedu Sareeyo Ugu Sameeyay Suldaan Madar Maxamed Ducaale Iyo Badiba Haldoorkii Somaliland Oo Ka Qayb Galay
Daawo Muqaal…Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C Ciro) Ayaa Qado Sharaf U sameeyay Suldaan Madar Mohamed H Dualeh

Hargaysa:(Salaanmedia.com)- Gudomiyaha Golaha Wakiiladda Ahna Gudomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Abdirahmaan Mohamed Abdulaahi Ciro ayaa madal ilyartu is qabatay islamarkaasina ay kasoo qayb galeen Siyaasiyiin, Xildhibaano, Boqoro, Salaadiin, Cuqaal, Qaddo sharaf maqaamkeedu sareeyo ku maamuusay Suldaan Madar Maxamed Ducaale oo dalka soo gaadhay kana soo kicitimay dalalka Yurub
CIRO 2

Madasha qado sharaftaasi oo si milgo iyo maamuus huwan looso agaasimay ayaa waxa hadalo mahadnaq, amaan, bogaadin iyo ducoba ah Gudomiye Ciro guud sudhay Madax dhaqameedkiiyo iyo Haldoorkii kasoo qayb galay.
Suldaan Mohamed Xirsi Qani oo ugu horaynba halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa ku mahadiyay masuuliyiinta xisbigaasi waddani inay kusoo casumaan madal sidan maqaamkeedu u sareeyo waxanu intaasi ku ladhay inuu dhankiisa Suldaan Madar uu soo dhowaynayo

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow Isimka ismida Somalidda oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si niyad sami ah utaageersan yahay kana Mid yahay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Boqor Buurmadow Waxa uu shacbiga hoga tusaaleeyay in cida keliya mustaqbal waangsan unoqon karta Somaliland ay tahay Xisbiga Waddani iyo inay dhankooda codka ugu hiiliyaan isbedelka, horumarka iyo leydha qabow ee uu hormoodka ka yahay Gudomiye Ciro
Waxanu Yidhi
”Waxan isleeyahay cida qudha ee somaliland dhiqi karaysaa waa gudomiyaha qunyar socodka ah Mudane Ciro Salaadiin badan baa madashan joogta Anigu ninka qudha ee aan mushahar kaga go’aynin baan ee ahay ee leh Wadani Baan ahay Waanan taageerayaa Waxanan ku taageeray gudomiyaha furfuran ee farxaaniga ah ee siyaasada qabow ciyaaraya mudane Ciro”
Gudomiyaha Talo Iyo Tawfiiq, Xildhibano ka tirsan Aqalka Wakiiladda Boqoro iyo Ismo kale oo magac wayn kuleh mandaqaddan Somaliland Oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda si isku mid ah usoo dhoweeyay Suldaan Madar Maxamed iyagoona umahad Celiyay Gudomiyaha Xisbiga Waddani ee munaasibadan soo agaasimay sidoo kale waxay ay sheegen inay isbarbartaagi doonan xisbi siyaasadeedka waddani kana qayb qaadan doonaan hawlaha xisbigaasi,
Suldaanka Madashan Loo Gingimay ee qada sharafta lagu maamuusayay Suldaan Madar Maxamed Ducaale oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa ka mahdadoobay sida maamuuska huwan ee xisbiga Waddani iyo hogaankiisu dalka ugu soo dhoweeyay, Suldaan Madar waxa uu shacbiga Somaliland ka wacyi geliyay inay ka dheeradaan qabyaaladda islamarkaasina ay meel uga soo wada midaysnaanta danta qarankooda.
Gaba gabadii Munaasibaddasi qada Sharafta ah waxa soo gunaanaday Gudomiyaha Xisbiga mucaaridka ah Ee Waddani Mudane Cabdirahmaan Mohamed Abdulaahi Ciro oo umahadceliyay odayaasha iyo madax dhaqameedka madashan kasoo qayb galay Gudomiye Ciro waxa uu sheegay in ujeedada soo dhowayntiisu ku qotonto inuu Suldaan Reer Somaliland Ah
” Odaysha iyo madaxda kasoo qayb gashay waan ugu mahadnaqayaa inay soo ajiibeen qada sharaftan aan ugu tala galay Suldaan Madar ujeedaduna maaha inuu xisbigu taageero suldaanku waa suldaan reer soomaliland ah asxaabtana wuu udhexeeya dhowr jeer oo aan norway tegeyna wuu isoo dhoweeyay markale odayaasha halkan isugu yimi way mahadsan yihiin”
Qado sharaftan Uu Gudomiye Ciro ku maamuusay Suldaan Madar Maxamed Ducaale ee ay kasoo qayb galeen badiba Haldoorka Odayaasha Dhaqan Iyo Dhaayaha Somaliland ayaa kusoo idlaatay jawi rayn rayn dhoola ka qosol kaftan odaynimo iyo isu laab xaadhnaanta Ay siyaasiyiintani u hayeen Gudomiye Ciro.

LAAQALO