GUURTIDA OO MARKII LABAAD HOOS U DHIGAY KHILAAFKII WAKIILLADA +WAANNADII XAAJI CABDI WARAABE IYO AAMUSKII MUDANEYAASHA

GUURTIDA OO MARKII LABAAD HOOS U DHIGAY KHILAAFKII WAKIILLADA +WAANNADII XAAJI CABDI WARAABE IYO AAMUSKII MUDANEYAASHA
ggg

Tuesday, February 11, 2014 00:23:37
(Salaanmedia.com):-Mudaneyaasha Golaha wakiillada Somaliland oo sida qorshahoodu ahaa la filaayey inay gudo-galaan Mooshino dhawr ah oo Guddoomiyaha golahaasi u gudbiyey la taliyaha dhinaca Shuruucda ayaa dib u dhacay, kadib markii ay golaha Wakiillada hor yimaadeen Ergo ka socota

Hargeysa(HWN):-Mudaneyaasha Golaha wakiillada Somaliland oo sida qorshahoodu ahaa la filaayey inay gudo-galaan Mooshino dhawr ah oo Guddoomiyaha golahaasi u gudbiyey la taliyaha dhinaca Shuruucda ayaa dib u dhacay, kadib markii ay golaha Wakiillada hor yimaadeen Ergo ka socota Golaha Guurtida, kuwaasoo ay shaaciyey inay la wareegeen khilaafka u dhaxeeya Shirguddoonka, isla markaana khilaafyada Sharci ay dhammayn doonaan.
Ergada ka socotay Golaha Guurtida ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Shirguddoonka Wakiillada, kuwaasoo ay shaaciyeen inay ka aqbaleen waxyaabihii ay u soo bandhigeen, waxaanay sheegeen in Maalmaha soo socda ay khudbado ka jeedin doonaan Golaha,kadib-na
wixii jira ee tabasho looga sii gudbi doono.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Mudaneyaasha fadhiga ka soo
xaadiray ku war-geliyey in Goluhu uu u balansanaa gudo-galka Mooshinadii loo gudbiyey la taliyaha Sharciga ee Wakiillada, hase yeeshee waxa uu tilmaamay inay Golaha yimaadeen Ergo ka socota Guurtida, isla markaana ixtiraam guluhu u hayo.
Guddoomiyaha guddida joogtada ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Waraabe oo da’diisu xiligan marayso 117 sanadood, ayaa Mudaneyaasha waxa uu u soo jeediyey Waanno iyo Dardaaran Waayeelnimo,waxaanay khudbadiisu u badnayn Waajibaadka balaadhan ee laga sugayo inay gutaan, inaanay ciyaar u fahmin, isla markaana ay shacbigii soo doortay isha ku hayaan
ficilladooda.
“Waxa aanu garanay in Saddexdaas Nin ee Walaalo ah (shirgudoonka golaha) aanu codsi u gudbino, wayna naga aqbaleen, si aynu dhamayno wixii khilaaf ah, Goluhuna uu todoba cisho oo fasax ah galo” ayuu yidhi Xaaji Cabdi waraabe.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu Sheegay in Hogaanka Golaha Wakiilada ay gacmaha isku saarayaan, isagoo xaajigu intaas raaciyey wixii dhinaca sharciga ku xidhan iyo Tabashooyinka Jira inay Mudo Hal todobaad ah ku dhamayn doonaan, isagoo intaas ku daray in markaas kadib ay Sadexda Gudoomiye ee Wakiiladu ay ka Khudbadayn doonaan Golaha hortiisa.
Mudaneyaasha aqalka Wakiillada ayaa u muuqday kuwo dareensan hadallada iskugu jirey Dardaaranka iyo hogo-tusaalaynta Xaaji Cabdi Waraabe,hase yeeshee Aaamuska iyo qiirrada ka muuqatay waa mid dhalanteed oo aan geedkaa gaadhsiinayn.

Laaqalo