Hadda Ogow Hantida La Isticmaalayaana Waa Cashuurtii Laga Qaaday Islaanta Tamaandhada Gidaarka La Fadhida Oo Xirsi Sidii Uu Doono Ugu Takri Falayo…” . Cali Maxamed Yuusuf(Cali Gureyte)

Cai  Guray

Hargeysa(Salaanmedia.com) Feb.11. 2014– Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) oo beryahan dembeba socdaal ugu maqan wadanka Boqortooyada Midowday ee Biritayn ayaa ka hadlay xaaladda uu galay golaha wakiilladu iyo halka ay saansaanteedu ku biyo shuban karto haddii aan xal loo helin.

Cali Gurey waxa uu sheegay in laga yaabo Mooshinnada isku liddiga ah ee golaha ka dhex socdaa ay ujeedadoodu ka durugsan tahay halka loo filayo [Guddoomiye Cirro] “Sheekadu ma laga yaabaa in ay dhaafsiisan tahay Cirro [Guddoomiyaha Wakiillada] oo loo socdo in lagu baabi’iyo doorashooyinka, si haddana muddo kordhin hor leh oo wakiillada iyo madaxtooyada ahi ay u timaado”, Sidaa waxa yidhi Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, oo goor dembe oo xalay ahayd Qoraal kooban kaga hadlay qaddiyada golaha wakiillada ka oogan, qoraalkaasi oo uu ku daabacay bar-kulanka uu degelka Faceboo.com ku leeyahay.

Muj. Cali Gurey Qoraalkiisa waa uu sii faahfaahiye, waxaanu ka digay Muddo kordhin dembe oo loo hanqal taago si loo baajiyo doorashooyinka, “Muddo kordhin dambe waa salaan iyo kala taga iyo Somaliland oo albaabada loo xidho si loogu tartamo Muqdisho oo ah halka loo socdo ama wax loo wadaba”.

Waxa kale oo Guddoomiye ku xigeenka UCID U Magac Bixiyey Xiisadda ka oogan Waqtigan golaha Wakiillada oo uu ku xidhiidhiyey Dhawaaqyadii ka soo yeedhay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo Magaalada Liverpool ee cariga UK kula yeeshay Jaalliyada Somaliland, kulankaasi oo Wasiirka Madaxtooyadu Uga soo hanjabay Hoggaanka Golaha Wakiillada “Is bedel kasta oo ku yimaada Goluhu waynu ognahay in uu yahay mid aan Golaha dhexdiisa ka curan ee uu yahay Liverpool project?”.

“Hadda ogow hantid la isticmaalayaana waa cashuurtii laga qaaday islaanta tamaandhada gidaarka la fadhida oo Xirsi sidii uu doono ugu takri falayo. Bal hadda aynu sugno tiisu waa salleelo’eh ta ay dhali doonto.” Ayaa uu qoraalkiisa ku soo khatimay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (cali-Gurey).

Laaqalo