Heshiiskii Xisbiga Kulmiye Wuxuu Muujiyey In Madaxweyne Siilaanyo Mar Kale Isa Soo Sharaxayo.

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Tallaabadii Xisbiga Talada DalKa Somaliland Haya ee Kulmiye Lagaga Dhigay mid aan Shanta Sano ee Soo Socda Lagula Tartamin Kooxda Haatan Haysatay, ayaa Shacabka Reer Somaliland si Weyn u Hadal Hayaan.
siilaaanyo

Tallaabadaas oo ay Jideeyeen Guddi Lagu Sheegay Turxaan bixin oo Bilo ka Hor Madaxweyne Siilaanyo u igmaday inay Meesha ka Saaraan Khilaafyo soo Noqnoqday oo xisbiga ka dhammaan waayey, ayaa Laf Dhuun Gashay ku Noqday Magacii iyo Sumcaddii Xisbigu ku Lahaa Dalka, waxana

uu Dibadda U soo Saaray inaanay Haba Yaraatee Wax Dimuqraadiyad ahi ka Jirin Xisbiga Dhexdiisa.

Waxa Kale oo ay Tallaabadaas Shacabka u Gudbisay Sawir Daciif ah oo la Xidhiidha in Ragga Xisbiga ugu Tunka Weyn Haatan ee Muddada Dheer isa soo Khilaafsanaa halka uu Arrinkoodu salka ku Hayey ay ahayd Kaliya Guddoonka Sare ee Xisbiga oo aanay lahaynba Han Dhaafsiisan Aan Guddoomiye Noqdo iyo aan Kula Tartamo iyo Ila Tartami maysid. Arrinka Lama Huraanka ah ee Heshiiskan Kootada ah laga Dhex Arki Karo,

isla-markaana Inta Badan Shacabka Somaliland ee Gudaha ku Dhaqani Aaminsan yihiin, ayaa ah inuu Madaxweyne Siilaanyo Diyaar u yahay inuu

Noqdo musharaxa Xisbiga Shanta Sano ee Soo Socota, iyadoo Arrintaasna ay Caddayn u Tahay in Guddoomiye Muuse Biixi oo ahaa ninka Kaliya ee isagu caddaystay inuu Madaxweynenimada u Taagan u Taagan Yahay Haatan Loo Barraxay oo Looga Hadhay Guddoomiyenimada Xisbiga ee Shanta Dambe, Halka uu Wasiir Samaale Oo Faraskiisa Siyaasadeed Si Fiican u Jaraysan yahay

uu horeba u Caddeeyey inaanu Diyaar u ahayn inuu Madaxweyne Siilaanyo isla Soo sharraxo isagoo ku Andacoonaya inuu ahaa Macalinkiisii Siyaasadda.

Arrimahaas Muuqda ayaa Keenay inay Shacabku Si Buuxda u Fahmaan Sirta ka dambaysa Mansabka Haatan looga Hadhay Guddoomiye Muuse iyo Afartiisa Ku-xigeen oo iyagana loo Xaqiijiyey inaan Lala Tartami Doonin, iyadoo lagu Qanciyey inay Arrimaha musharaxnimada Xisbiga aanay Ka Hadli

Karin, maadaama aan lagula Hadli Karin dhinaca Hoggaanka Xisbiga.

Madaxweyne Siilaanyo oo isagu Haatan ah nin Da’ ah islamarkaana isla Markaana Wakhti Badan Siyaasadda Ku Soo jirey, waxoogaa Horumar ahna keenay, ayey Dadka Shacabka ahi ku Kala Aragti duwan Yihiin, iyadoo intooda Badani

ay jecel Yihiin in la Gaadhay xilligii uu madaxweynuhu Nasan lahaa ee uu Arrimaha Siyaasadda Faraha kala Bixi lahaa Halka In Kalena Aaminsan Yihiin In aan Weli La Gaadhin Xiligii uu siyaasadda ka fadhiisan Lahaa .

Haddaba waxa Jira Gobolo Badan oo Somaliland ka Tirsan oo si weyn looga Diiddan yahay Kootada ka dhex jirta Xisbiga iyo Sida laDimuqraaddiyaddii Meel Loogaga Dhacay, isla-markaana Shirweynaha Xisbiga ee Qoondaysan Dhammaadka Bisha Soo Socota Looga Dhigay mid macno La’aan ah oo Kaliya shanta nin ee Xisbiga ugu sarreeya loogu Ansaxinnayo inay sii Ahaadaan Hogaanka Shanta Sano ee Dambe.

Reer Awdal gaar ahaan kuwa Taageersan xisbiga oo Saraakiishiisu ku jiraan ayaa Aaminsan in aanay Xaq ahayn inay Shan sano oo Kale Sii Ahaadaan Booska Afraad ee Shookaanta Xisbiga, waxana ay Doonayaan in dhinaca Caddaalada wax lagu saleeyo oo Beeshooda Loo soo Dhaweeyo ugu

yaraan Figta Sare ee Xisbiga.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu Aan wali Ka Hadlin Mustaqbalkiisa Dambe

ee Siyaasadeed iyo Sida uu Damacsan yahay, isla-markaana aan taaban Dimuqraaddiyaddii xisbigii uu Aasaasaha ka Ahaa ee Kulmiye oo dhabarka

laga Jabiyey, waxase laga DHeregsan Yahay in si Weyn loogu Dirqiyayo inuu soo Noqdo mar kale.

Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaan iyagu marnaba Jeclayn inuu Madaxweyne Siilaanyo Soo Noqdo, waxana ka Go’an inay iyagu Hankooda Tijaabiyaan

inta ay Sumcadda Xisbigu sii Qoyan tahay ee aanay Shacabku si siman u wada Nicin, waxase jira Rag kale oo Arrinta Dabada ka Riixaya.

Warar Hoose oo aanu Hayna ayaa Sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu ka Seexan la’yahay Rag ka Tirsan Xukuumaddiisa, Beeshiisa, Saaxiibadii iyo

kuwo kale oo Dano gaar ahi ka Dhexeeyaan,kuwaas oo Habeen iyo Maalinba ula Socda inuu Madaxweynenimo Dambe Raadsado oo aanu Sidaas ku Hadhin.

Waxyaabaha ay Kooxdaasi Madaxweynaha Ku Beerlaxawsanayaan ayaa waxa ugu Horreeya inay u sheegayaan inaanu Dalku Ka Maarmaynin oo Dabadii Somaliland Halis Gelayso, walise Lama Caddayn Mawfika Madaxweyne Siilaanyo Istaagay.

Sidoo Kale waxa Madaxweynaha ku Socda Mawjado kale oo dhinaca Marwadiisa kaga Imanaya kuwaas oo ku Dirqiyaya inuu Isa Soo Sharraxo, iyadoo

Marwadu ku Xidhan Tahay Haween aan Ogolayn inay Ka Baxaan Hoolalka Waaweyn ee Madaxtooyada, isla-markaana aan Rumaysnayn inay Dhammaad ku Dhawdahay Shantii Sano ee Siilaanyo.

Arrimo Badan oo is Barkan ayaa Madaxweynaha u yaalla, waxase Dhibaatada ugu weyni ka Taagan Tahay Go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo Qaadan lahaa iyo Foolxumadda Tallaabadii Guddida Turxaan Bixintu Ku Waxyeelleeyeen Dimuqraadiyaddii Xisiga Dhexdiisa.