Intuu Iska Tago Cirro Isagoo Caadiya Inaad Cid kale Ku Fadhiisiisaan Waa Habeenkii Xalay Tagay Walaahi, Waxaas Oo Kursi ahi Mar Bay Wada Laabmayaan Innaan Lagu Kala…”…Ibraahin Dhaga-weyne

Madasha One

Hargeysa, 10 Feb 2014 (Salaanmedia.com)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADANI oo ay wehelayaan Madasha Wadatsahiga iyo Toosinta Qaranka ayaa shalay shir ku yeeshay Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, isla markaana waxay sheegeen inay ka dambaysay kulankani dhacdadii shalay ka dhacday Golaha Wakiilada Somaliland, taasoo ay ku tilmaameen in Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee awoodiisa la dhimay Baashe Maxamed Faarax si toos ah u amarka u siinayay Ciidamadaasi,
waxaanay shirkaasi kaga hadleen xaalada xilligan wadanku galay. Kulankan ay ku yeesheen Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wadatishiga ay kaga hadleen Ciidamadii Booliska ahaa ee la wareegay gabi ahaan-ba Golaha Wakiilada waxa goob joog ka ahaa,Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo ka tirsan Madhasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka iyo xubno kale oo ka tirsan Madasha, labada Gudoomiye ee Xisbiyada Ucid iyo Wadani Eng Faysal Cali Waraabe, iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), iyo masuuliyiin kale oo tira badan oo una badan saraakiisha SNM iyo xubno kale. Inkastoo kulankani ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, hadana waxa warbaahinta la hadlay Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne markii uu dhamaaday kulankaas. Afhayeenka siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ah Ibraahin Dhaga-weyne, waxa uu sheegay inay nasiib-daro tahay in xukuumadii shalay soo ooyeysay ay mushkilad ku abuurtay Golaha, waxaanu yidhi,”Waxaan marka hore u mahad naqayaa bahda Saxaafada ee mar walba heeganka u ah dhibaatooyinka wadanka ka taagan iyo mushaakilaadka in ay shacbiga la socodsiiyaan,waa nasiib daro dowladii aynu dooraney ee shaley inagu ooyaysey, ee sida qabyaalada leh inoogu ooyeysey ee ina laheyd codka nasiiya waanu ku fariyeynaaye inay maanta hadana edeb darooyinka intaa leeg ee waliba caqli xumada ah ee aan is qabaneynin kula dhaqaaqdo Bahdii Saxaafada, Baarlmaankii, meel alaale iyo meel ay reebayaan aanay jirin oo ay sharcigii baabiinayaan, hay’adii Sharciga ee ah halkii ugu dambeysey ayay doonayaan in ay inamo yaryar u afduubaan oo qori ula galaan waxa aan leeyahey been baad isu sheegteen inta uu iska tago cirro isagoo caadiya inaad cid kale ku fadhiisiisaan waa habeenkii Xalay tagay walaahi, walaahi waxaas oo kursi ahi mar bay wada laabmayaan inaan lagu kala hadhayn ninkii u haysta inaad joogeysow kaligaa ku hadhi maysid ee qarankan ha laablaabin waxa weeyaan wakhtigii waa kaa dhow yahay ee si sharciya iska dhiib oo si sharaf leh iskaga dhiib sidii raggii kaa horeeyay caruurtaada yaryarna waa la edbin doonaa ee daka ku edeb daroonaya”Ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim.

Ogaalnews pebar