Is-casilaada Xukuumada Masar Oo Wadada U Xaadhayso Milatariga Oo Hogaanka Dalkaasi Qabta

Is-casilaada Xukuumada Masar Oo Wadada U Xaadhayso Milatariga Oo Hogaanka Dalkaasi Qabta
Massar

Qaahira, February 25, 2014 (W.Wararka) –(Salaanmedia.com)- Dawladii ku meelgaadhka ahayd ee dalka Masar ayaa is-casishay sida uu sheegay Raysal Wasaaraha dalkaasi Hazem El-Beblawi, taas oo wadada u xaadhaysa in Hogaamiyaha Milatarigu Cabdulfattah al-Sisi uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweynenimo.
“Maanta golaha wasiiradu waxa ay go’aansadeen inay is-casilaadooda u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada” Hazem el-Beblawi ayaa sidaasi ka sheegay telefishanka dalkaasi, waxaanu intaasi ku daray “Lixdii ilaa todobadii bilood ee la soo dhaafay, dawladu may wajihin masuuliyadii iyo waajibaadkeedii…Dawladu wax dedaal ah kamay samayn sidii ay Masar uga saari lahayd muuqaalka xun ee ay hadda ku jirto”
Waxaanu Raysal Wasaaraha xukuumada is-casishay ee dalka Masar uu intaasi raaciyey in hadafkoodu ahaa inay Masar ka saaraan caqabadaha amaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha ee ay wehelka la tahay, balse muu cadayn sababta ay go’aanka Is-casilaada u qaadatay xukuumadiisu.
Hase yeeshee Afhayeen u hadlay dawlada oo la yidhaa Hany Saleh ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in go’aankaasi ay qaateen ay sababtiisu tahay dareen soo baxayey oo ah in ‘dhiig cusub loo baahan yahay’.
Madaxweynaha DKMG ah ee dalka Masar, Adly Mansour, ayaa waxa uu waydiistay Raysal Wasaaraha dawlada is-casishay inuu sii shaqeeyo inta Raysal Wasaare cusub la soo magacaabayo, sida uu sheegay Website-ka afka dawlada ku hadla ee al-Ahram.
Raysal Wasaare Beblawi ayaa la magacaabay kadib markii Ciidamada Milatarigu ay talada dalkaasi ka tureen bishii July Maxamed Morsi markii ay dhaceen dibadbaxyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo xukunkiisa.