Jamaal Cali Xuseen Oo Meel Adag Ka Istaagay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda.

Jamaal Cali Xuseen Oo Meel Adag Ka Istaagay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda.
jjjjjjjj

Jamaal Cali Xuseen Oo Meel Adag Ka Istaagay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda.
Hargaysa(Salaanmedia.com)-Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee Ucid Jamaal Cali Xuseen Ayaa Ka Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka La Filayo Inay Somaliland Ka Dhacaan Sidoo Kale Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Waxa Uu Ka Xog Waramay Heshiisyo Laga Gaadhay Diwaan Gelinta Madaniga Ah Iyo Tan Cod Bixiyayaasha Ee Dhawaan Laga Qaban Doono Guud Ahaan Wadanka Somaliland
Jamaal Cali Xuseen Ayaa Ka Hadlaya Sida Loogu Baahan Yahay Inay Doorashooyinku Wakhtigoodii Ku Dhacaan Waxanu Yidhi “Wax Waliba Waxay Ku Wanaagsan Yihiin In Wakhtigii Loogu Tala Galay Ay Ku Qabsoomaan, Xukuumada Somaliland-Na Waxay Balan Qaaday Inaan Maalina Dib Loo Dhigin Wakhtigii Loogu Tala Galay Doorashada, Diwaan Gelintuna Ay Ku Bilaabanto Wakhtigii Loo Qoondeeyey Walina Loo Dedejin Lahaa Si Ay Doorashadu Wakhtigeeda Ugu Dhacdo Loogana Shaqayn Lahaa, Mana Ah In Laga Fikiro Oo Lagu Boodo In Doorashada Dib Loo Dhigo.” Ayuu Yidhi Jamaal Cali Xuseen Oo U Waramay Hctv
Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Ka Hadlay Heshiisyo Laga Gaadhay Sidii Loo Hir Gelin Lahaa Diwaan Gelinta Madaniga Ah Iyo Tan Doorashooyinka Socda, Waxaanu Tilmaamay Inay Sadexda Xisbi Qaran Go,Aan Ku Gaadheen Inay La Kulmaan Deeqbixiyayaasha Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka Si Ay Ugala Hadlaan Dhaqaalihii Ku Bixi Lahaa Diwaan Gelinta Waxaanu Mar Kale Yidhi “Imikana Waxa Jira Heshiis Lagu Gaadhay In Sadexda Xisbi Ay Deeq Bixiyayaasha La Kulmaan Si Loo Soo Xasiliyo Ama Layskugu Soo Duba Rido Dhaqaalihii Ku Bixi Lahaa Diwaan Gelinta, Waxa Kale Oo Jirta In Dhawaan Heshiis Laga Gaadhay In Lays Dhex Geliyo Diwaan Gelinta Madaniga Ah Iyo Tan Cod Bixiyayaasha Waxaana Laysla Gartay In Mid Waliba Madax Banaanideeda Ay U Socoto Wixii Labada Diwaan Gelinood Laga Kala Faa,Iidaysan Karana Laga Faa,Iidaysto Laakiin Aan Laysku Xidhin, Anaguna Waxaanu Mar Walba Ku Talinaynaa Inaanay Doorashooyinku Wakhtigoodii Dib Uga Dhicin Madaxweynuhuna Wuu Balan Qaaday Inaan Maalin Loogu Dari Doonin .” Ayuu Yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen.