Jilaagii Ku Caan Baxay Xayeysiinta Sigaarka Marlboro Oo Geeriyooday

Jilaagii Ku Caan Baxay Xayeysiinta Sigaarka Marlboro Oo Geeriyooday.
marlaboro

Hargaysa(Salaanmedia.com) _Waxaa dhawaan Geeriyooday Jilaagii ku caan baxay Xayeysiinta Sigaarka “Marlboro” Eric Lawson, ka dib wakhti dheer oo jilaagu la tacaalayay cudur ka haleelay Sambabada.
Eric Lawson ayaa ku soo caan baxay xayeysiinta sigaaraa Marlboro todobaatameeyadi, Eric waxa uu ku geeriyooday da’da 72-jir, geeridiisa waxaa la ogaaday Usbuuc ka dib iyadoo xaaskiisu qarisay.
Eric Lawson waxaa kale oo uu caan ku ahaa jilista musalsalada Telefashinada, isagoo fanka iska casilay 1997-ki, markii uu ku dhaawacmay sawirka filim uu xiligaas jilayay .
Waxaa xusid mudan in Eric Lawson Sigaar cabista ku bilaabay da’da 14-jirka, iyadoo markii danbe dhakhaatiirtu uga digeen isticmaalka Sigaarka.