Juventus Oo U Awood Sheegatay Inter Milan Xajisatayna Hogaanka Horyaalka Talyaaniga

Juventus Oo U Awood Sheegatay Inter Milan Xajisatayna Hogaanka Horyaalka Talyaaniga
101juva

Kooxda Juventus ayaa 9 dhibic ku qabatay hogaanka horyaalka Talyaaniga kadib markii ay ka itaal roonaatay kooxda Inter Milan oo marti ugu ahayd Juventus Stadium, Juve ayaana aad uga awood badnayd kooxda Inter Milan iyagoona ugu awood sheegtay 3-1.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo ciyaartoyda kooxda Juventus ay isku dayeen inay cadaadis saaraan bilowgii hore goolka kooxda martida u ahayd ee Inter Milan, Tevez ayaa usoo dhawaaday inuu goolka koowaad u daah furo daqiiqadii 3 aad lakiin gool haye Samir Handanovic ayaa ka beeniyay midaas kadib markii uu si xarago leh u bixiyay kubada, daqiiqadii 16 ayeey heshay kooxda juventus goolka koowaad waxaan u dhaliyay Lichtsteiner kadib markii uu kubad fiican ka helay Pirlo kaas oo daafacyada Inter kasoo dul qaaday kubada Lichtsteiner ayaana si habaysan madax ugu dhaliyay.
Goolka kadib Juventus ayaa wali iska maamulanaysay ciyaarta iyagoo iska qasaariyay fursado badan waxaana ugu soo dhawaa kubad uu ku shuuday Tevez goolka laakiin mar labaad gool haye Samir ayaa ka diiday inay gasho shabaqa, kadib Inter Milan ayaa heshay fursad ay ku bar barayn kartay ciyaarta laakiin waxaa ka qasaariyay Rodrigo Palacio, qaybtii hore ayaana kusoo idlaatay iyadoo ay Juventus ku hogaaminayso 1-0.
Qaybtii danbe kooxda Juventus oo dhamaan ciyaaarta iska maamulanaysay ayaa heshay goolka labaad waxaana u dhaliyay daafacooda Chiellini daqiiqadii 47 kadib markii daafacyada Inter Milan ay ku guul daraysteen inay iska fogeeyaan kubad laga soo qaaday koornada Chiellini ayaana mel cidlaa ka helay kubada isagoo sifiican ugu hubsaday shabaqa, Juventus ayaa sii waday dadaal kood inkastoo ay ciyaarta ku hogaaminayeen 2-0, Vidal ayaana hogaanka u sii dheereeyay daqiiqadii 56 kadib markii uu meel cidlaa ka helay kubad uu gool hayuhu kasoo bixiyay Pogba oo shuud xoogan ku riday Balse Vidal ayaa shabaqa dhex dhigay kubadii soo laabatay.
Inter ayaa hurdada ka kacday markaas kadib iyagoo isku dayay inay helaan goolka calanka ugu yaraan taas oo u suuro gashay daqiiqadii 72 waxaana u dhaliyay laacib kooda Rolando kadib kubad koornada laga soo qaaday isagoo meel fiican ka helay kubada ka hor inta uusan shabaqa ku hubsan, daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ayeey markale u soo dhawaatay Juventus inay hesho goolka 4 aad laakiin birta ayaa ka beenisay Vucinic kadib markii si fiican ugu shuuday kubada goolka, ciyaarta ayaana kusoo idlaatay sidaas iyadoo ay guushu ku raacday 3-1 kooxda Juventus.

Laaqalo