Kabtanka kooxda Man United Nemanja Vidic ayaa ku taageeray Wayne

Nemanja Vidic Oo Ku Taageeray Rooney Inuu Kabtan U Noqdo Man United.

Kabtanka kooxda Man United Nemanja Vidic ayaa ku taageeray Wayne
Rooniii

Rooney inuu xirto kabtanimada kooxda xili ciyaareed ka soo socda maadaama uu isaga ku sii jeedo kooxda Inter Milan.
Rooney ayaa u saxiixay Man United heshiis waqti dheer ah isagoo noqday laacib ka ugu mushaarka kabadan horyaalka ingiriiska Vidic ayaana u arka in Rooney uu yahay laacib kooxda ay u baahantahay awoodna u leh inuu hogaamiyo kooxda sanado badan.
Vidic oo waraysi siiyay shabakada Sky Sports ayaa yiri” Rooney waa laacib wayn, Muhiim ayeey ahayd inuu siijoogo sanado badan kooxda waana uu sameeyaya midaas, Rooney wuxuu ahaan doonaa laacib ay ku tiirsanaato Man United sanadaha soo socda”.
“Inuu xirto kabtanimada kooxda taas waa arin uu ku shaqo leeyahay tababaraha kooxda, laakiin ra,yi ahaan waxaan u arkaa in Rooney uu awoodo inuu hogaamiyo kooxda, lama filaan igumanoqon doonto hadii uu kabtan u noqdo Man United waayo wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda waqtigaan lajoogo lagu xisaabiyo hogaamiyaasha kooxda”.