Kaka: CR7 Ayaa Ah Xiddigii Ugu Fiicnaa Aan Ka Garab Ciyaaro, Messi & Zidane Waa Kuwii Ugu Fiicnaa Aan Ka Horimid.

Kaka: CR7 Ayaa Ah Xiddigii Ugu Fiicnaa Aan Ka Garab Ciyaaro, Messi & Zidane Waa Kuwii Ugu Fiicnaa Aan Ka Horimid.
369479_heroa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Kaka ayaa shaaca ka qaaday in Lionel Messi iyo Zinedine Zidane ay yihiin ciyaartoydii ugu fiicneyd ee uu ka horyimid abid halka Cristiano Ronaldo uu yahay xiddigii ugu weynaa ee uu ka garab ciyaaro.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil ayaa wajahay Messi dhowr jeer intii uu joogay Real Madrid, halka uu isla mudadaas ka garab ciyaaray xiddiga sannadka adduunka Ronaldo.
Zidane ayaa ka mid ahaa kooxda Santiago Bernabeu markii uu Kaka halkaas joogay, laakiin 31 jirkaan ayaa ka horimaanshiyihii uu ka horyimid Zidane horaantii waayihiisa ciyaareed waxa ay ku reebtay xusuus lama ilaawaan ah.
“Ciyaartoydii ugu fiicneyd ee aan ka horimid abid waa Zidane iyo Messi” ayuu Kaka ku qoray Twitter isagoo kaga jawaabayay su’aalo lagu soo weydiinayay bogga Twitter ee AC Milan.
“Ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan la ciyaaray waa Cristaino Ronaldo.
“Daaficii ugu adkaa ee aan la ciyaaray ama ka horimid waa Paolo Maldini.”

Laaqalo