KHASAARE NAFEED OO KA DHASHAY DAGAAL LABA MALEESHIYO BEELEED MAANTA KU DHEX MARAY MAGAALADDA TALEEX EE GOBALKA SOOL

KHASAARE NAFEED OO KA DHASHAY DAGAAL LABA MALEESHIYO BEELEED MAANTA KU DHEX MARAY MAGAALADDA TALEEX EE GOBALKA SOOL
Kalshaale 2

Taleex-(Salaanmedia.com)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Taleex, ee gobalka Sool, ayaa sheegaya in ugu yaraan Seddex qofi ay ku dhaawacmeen iska hor-imaadyo maanta ka dhacay Taleex, oo dhex maray maleeshiyo beeleedyo, sidaana waxa Warbaahinta Qaar ka mid Ah u xaqiijiyay dad goob jog ah oo aanu goor dhawayd khadka telefoonka kula xidhiidhnay iyaga oo jooga magaalada Taleex.
Dadkan goob jooga ahaa ayaa noo xaqiijiyay in madax dhaqameedka deeganaasi ay wadaan dadaalo lagu dhex-[dhexaadinayo labadan maleeshiyo baleed ee dagaalamay oo wada daga Taleex.
Si kastaba ha ahaatee maaha markii u horaysay ee labadan maleeshiyobeelood ee deegaankan wada dagaa ay dagaalamaan, Ilaa iyo hada laguma guulaysan waan-waanta ay wadaan odayaal ka soo jeeda.deeganadaas, waxaana la sheegayaa in labadan maleeshiyo beeleed ay kala taageersabn yihiin Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

L Q L