Khilaafkii Iyo Xiisadii Ka Taagnayd Golaha Wakiilada Oo La So Af-Jaray Iyo Golihii Oo Mudo Todobaad Ah La Fasaxay

Khilaafkii Iyo Xiisadii Ka Taagnayd Golaha Wakiilada Oo La So Af-Jaray Iyo Golihii Oo Mudo Todobaad Ah La Fasaxay

Xaaji cabdi

Hargeysa:(salaanmedia.com)Ergo Is Xilqaantay ayaa ku guulaysatay in ay Golaha Wakiilada Somaliland ku qanciyaan in Muddo todobaad ah dib loo dhigo fadhiyadii ay Lahaayeen Golaha Wakiilada Somaliland.

Ergadan dhexdhexaadinta Waday oo kala ahaa Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland ay yeelato Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Cabdikariin Xaaji Xuseen(Xaaji Cabdi-waraabe) iyo waliba Haldoorka Bulshada Reer Somaliland.
Fadhiga Saaka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa uu hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay uu ku yidhi “Waxa aynu u balansanayn Mooshinadii la soo gudbiyay iyo waliba taladii Sharciyaqaanka, laakiin sida aad aragtaan golaha wakiilada waxa inala fadhiya Marti.
Martidan waxa ka mid ah madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Odayga ugu da’da weyn Cabdikariin Xaaji Cabdi Xuseen, waxaanay inaga codsadeen in aynu fadhiyadeena u hakino muddo todobaad ah, fadhigiina sidaas ayuu inoogu xidhan yahay” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.
Xaaji Cabdiii

Xaaji Cabdi waraabe oo fadhiga Ka hadlay ayaa sheegay sadexda shirguddoon golaha in ay gacmaha isku saareen kana aqbaleen in ay sidoodii hore isku ahaadaan, isagoo xaajigu sheegay wixii dhinaca dharciga ku xidhan in ay toddobaadkaas ku dhamaysan doonaan.
X Cabdi waraabe waxa uu xildhibaanada Ka dalbaday in ay ku waafaqaan oo Kala shaqeeyaan xalka khilaafka, taasoo ay dhamaantood aqbaleen, Heshiiska xaaji cabdi waraabe carabaabay ayaan si cad loo ogayn, hase yeeshe tibaaxaha soo baxaya ayaa sheegaya in la laali doono wax ka bedelkii goluhu ku sameeyey Xeer hoosaadka, kaasoo abuuray khilaafka golaha iyo dalkaba gilgilay.
Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa dalabkaasi gaashaanka ku dhuftay, waxaanu sheegay in aan la isku ogeyn, Golaha inta la fekerka ahina ay ka tashan doonaan, waxaanu yidhi
Waxa weeye anagu dee balan ayaanu lahayn, waxa aan u tagay guddoomiyaha golaha wakiilada oo aan ku idhi waa in golaha wakiilada la soo hordhigaa mooshinadii, sidii ayaanu isku ogayn, laakiin arrintan Golaha Guurtida maanaan ogayn, mana ogolin.
Baashe oo la waydiiyay waxa halka uu ka dhaafayo codsiga Golaha Guurtida iyo ergada dhexdhexaadinta “Arrintaasi Golaha ayay u taala, hadii ay yeelayaan iyo hadii kaleba, waanan ka tashan doonaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Laaqalo