Koox ku labisan dareyska Ciidanka Dowladda oo weerar xoogan ku qaaday Madaxtooyada Somaliya

Koox ku labisan dareyska Ciidanka Dowladda oo weerar xoogan ku qaaday Madaxtooyada Somaliya
war deg

Muqdisho(Salaanmedia.com)-Xilligii Salaadda Jimcaha ee waqtiga Magaalada Muqdisho, ayay Xoogag ku hubeysan dareyska Ciidamada Dowladda, ay weerar xoogan ku qaadeen Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Raggan, ayaa weerarka ka soo qaaday wadada dambe ee dhinaca 15 May ka soo gasha Villa Somalia, halkaasoo ay Check Point ku leeyihiin Ciidamada Ilaalada ee Madaxtooyada.
Weerarka, ayaa ku bilowday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo lala beegsaday Check Pointiga Ama istabta Ciidamada Ilaalada ee Villa Somalia, waxaana xigtay is rasaaseyn xoogan leh oo dhex martay Ciidamada Ilaalada iyo Xoogagii weerarka soo qaaday.
Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan in Xoogagaan ay gudaha u galeen Madaxtooyada iyo in kale, laakiin waxaa la soo sheegayaa in la arkaayay bambooyinka gacanta laga tuuro, oo ay ku tuurayeen Madaxtooyada.
Jug labaad oo aad u weyn, ayaa laga maqlay Madaxtooyada, waxaana loo fishay in uu is qarxiyay nin xirnaa jaakadaha walxaha qarxa ka sameysan.
Ciidan xoogan oo ka tirsan Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay gaareen Dhismaha Villa Somalia, sidoo kalana waxaa ku sii jeeda gaadiidka gargaarka ee deg-degga.
Weerarkaan qorsheysan ee lagu qaaday Villa Somalia, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay adag tahay in xog dheeraad ah laga helo.

Laaqalo