Koox Wasiiro ah Iyo Ergooyin Culus Oo Gaadhay Deegaankii Dilku Ka Dhacay+Xaaladda Oo Degen

Oodweyne(Salaanmedia.com)-Deegaankaasi Uu Ka Dhacay Dilkii Lagu Khaarajiyey Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Marxuun Hure Sahal Ayaa La Soo Sheegayaa Inay Gaadheen Ergooyin Fara Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Ergooyin Ka Socday Beelaha Kala Duwan Ee Beelweynta Habaryoonis Oo Ka Soo Kicitimay Magaalooyinka Hargaysa Iyo Burco, Iyo Weliba Odayaal Iyo Waxgarad Ka Tirsan Guddida Talo Iyo Tawfiiq, Iyo Salaadiin Badan Oo Uu Horkacayo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.
good news

Sidoo Kalena Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ay Ka Mid Yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Ayaa Caawa Gaadhay Deegaanka Dilku Ka Dhacay Waxaana La Sheegay Inay Hadda Ku Sugan Yihiin Tuuladda Laan Mulaaxo Halkaasi Oo Ay Shir Saacaddo Badan Qaatay Kaga Jireen, Lamana Oga Wax Ka Soo Baxay.

Weftigan Ka Socda Xukuumadda Somaliland Iyo Ergooyin Kala Duwan Ayaa Guclo Orod Uugu Jirra Sidoo Nabad Loogu Soo Dabaali Lahaa Xaalka Loona Walaalayn Lahaa Beelahaasi Walaaha Ah Ee Dhibaataddu Kala Gaadhay

Geesta Kalena Wararka Aanu Ka Helayno Deegaamadaasi Ayaa Tibaaxaya Inay Ciidamaddii RRU du Oo Kaashanaya Maamulka Gobolka Daadmadheedh Ayaa 24 Kii Saacadood Ee U Danbeeyey Ay Hawlgal Balaadhan Ku Qaadeen Tuulooyinka Ku Dhereran Xuduudka Ay Wadaagaan Itoobiya Iyo Somaliland Si Ay Gacanta Uugu Soo Dhigaan Gacan Ku Dhiiglayaashii Balse Wararku Waxay Sheegayaan In Aanay Weli Ku Guuleysan Soo Qabashadda Dembiilayaashaasi Waxaana La Sheegay Inay Ciidanku Gudaha u Galeen Xadka Dhanka Itoobiya, Tuulooyinka Ay Bileysku Gaadheen Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Maanyare. Raamaale, Cadaada, Galka, Laasaale,Doonbiraley Iyo Kuwo Kale, Tuulooyinkan Oo Intooda Badani Yihiin Gudaha Dhulka Itoobiya Ayaa Waxay Isu Jiraan Masaafo Aad u Dheer Oo Ay Adag Tahay In Gees Ka Gees La Wadda Baadho Balse Ay Ciidanku Ku Qasban Yihiin Maadaama Ay Ku Tuhunsan Yihiin Gacanku Dhiiglayaasha, Ilaa Haddana Ciidanku Bileysku Wuxuu Gacanta Ku Dhigay Sadex Qori Oo La Aaminsan Yahay Inay Tuureen Kooxdan Lagu Raad Joogo.

Dhinaca Kalena Ilaa Hadda Waxaa La Xidhay 11 Qof Oo MID Ka Mid ahi Ay Tahay Haweenay Kuwaasi Oo Ka Soo Jeedda Beesha Dilka Gaysatay Loona Xidhxidhay Sababo Nabadgelyo Awgeed Iyagoo Laga Soo Qabtay Magaalooyinka Burco, Oodweyne, Khaatumo, Iyo Laan Mulaaxo.