Kulan Garnaqsi ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waxgaradka Galbeedka Burco.

Siciid Sulub

Hargeysa:(Salaanmedia.com)-Xaraaraddii Hawada Martay ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Si Gaar ah u Taabatay Beesha Galbeedka Burco oo uu Ka Soo Jeedo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Siilaanyo_iyo_w_hawlaha_guudBeeshan ayaa Si Weyn uga Biyo Diiday Farogelinta Golaha oo lagu Eedeeyey Dhinaca Madaxtooyada, waxana Goobo Ka mid ah Hargeysa ay ku Yeesheen Shirar lagaga Arrintsanayo waxa Laga Yeelayo Arrimaha Soo Kordhay.
Madaxweyne Siilaanyo oo Haatan Dareemay Haliska Ka Dhalan Karta Farogelinta Wakiillada iyo Sida ay Bulshada u Kala Qaybin Karto, ayaa Qarwaaqsaday inuu Arrinta Faraha La Galo, waxana uu Shalay Gelinkii Hore Madaxtooyada ku Qaabilay Odayaal, Siyaasiyiin iyo Waxgarad Beeshaas ka Soo Jeeda oo uu Hoggaaminayo Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumaddii Rayaale Siciid Sulub Maxmaed.
Kulankan oo Albaabadu u xidhnaayeen ayaa ka Qabsoomay Madaxtooyada, waxana Saxaafadda u Muuqday inay Kooxdani Siciiid Sulub wataa ku Qulqulayeen Madaxtooyada oo ah Goobta lagu ballansanaa, balse waxa Adkayd inay Saxaafaddu si Xor ah Warkaas u hesho.
Warar Ku Dhaw Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Kooxdan uu Sicidii Sulub Horjoogaha u yahay Madaxweynaha soo Hordhigeen Qodobo ay ku Sheegeen inay Gef iyo Meel ka Dhac aanay mutaysan ku Tahay Beeshooda oo ay xukuumaddu iskaga Daba Geysay Beesha Galbeedka Burco intii ay Talada Dalka Gacanta ku Haysay.
Kooxdan ayaa hal hal ugu sharraxay Madaxweynaha Cabashooyin is Biirsaday oo ay dhammaantood ku Tuhunsan yihiin inay Wasiir Xirsi Si Cadowtinimo ah ugu Aargudanayo, waxana ay Tusaale Fiican u soo Qaateen Xadhigii Dhawaan xukuumaddu kula Kacday Guddoomiye-ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir iyo Tan Haatan Baarlamaanka Ka Taagan oo ay sheegeen inuu Labadaba Wasiir Xirsi Soo maleegay.
Warka ayaa intaas ku Darray in Kooxdani Madaxweynaha u sheegeen inuu sii DHammaanayo Dulqaadkii iyo Wada-shaqayntii ay xukuumaddan ku Lahaayeen, waxana ay Xuseen in Shacabkoodu si weyn uga Niyadjabay Hannaanka Hoggaamineed ee Madaxweynaha, maadaama Cadawtinimo gaar ah la Geliyey.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la Sheegayaa inuu isku Dayey inuu Dejiyo Odayaashan Kacsan, waxana uu Halkaas Ballan uga Qaaday inuu ku Dedaali Doono in Xiisadda Golaha la Qaboojiyo, isagoo si cad u sheegay inaanay Madaxtooyadu wax lug ah ku Lahayn o ay Tahay arrinta ka Madax Bannaan oo goluhu si Gaar ah Arrimahooda u maamulanayaan.
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dawladdii Udub oo Halkaasi Ka Hadlay, ayaa Ballan Ku Qaaday inuu isku Dayi Doono inuu Dejiyo Dhallinyarada iyo Maatada Kacsan, waxana uu madaxweynaha ka Codsaday inuu Meesha ka Saaro Sawirka Xukuumaddiisa ka Muuqda ee Muujinaya Kala Qaybinta iyo Kala Faquuqa Beelaha Dalka ku Wada Dhaqan.
Kulankan ayaa la Sheegay inuu ku soo DHammaaday is Afgarad, waxana uu Madaxweyne Siilaanyo Ballan ku Qaaday inuu Dhamayn Doono wixii Tabasho ah ee laga qabo Xukuumadiisa, isagoo Hoosta ka Xariiqay inuu Sii Dayn Doono Xubno Habeen Hore loo Xidhxidhay Arrinta Golaha ee Haatan Taagan.
Xukuumadda ayaa Haatan Il Gaar ah ku Eegaysa Kulamo kala Duwan iyo Shirar ay Habeenadii ugu dambeeyey Beesha Galbeedka Burco ku qabsanayeen Meelo kala Duwan oo Dalka ka Mid ah, waxana ay Haatan isku Dayeysaa inay Dhamayso Wixii ay Beeshu ka Tabanayso Xukukan Haatan Jira.

Laaqalo