LA-TALIYAHA SHARCIGA EE GOLAHA WAKIILLADA AYAA MARKII U HORRAYSAY SHARRAXAAD KA BIXIYEY MOOSHINNADA KHILAAFKA KA ABUUREY GOLAHA.

“Guddoomiyuhu isagoo xeerarka dhawraya ayuu mooshinnadaas igu soo wareejiyey, tallaabadaasina mid sax ah ayey ahayd” “La-taliyaha Sharcigu wuxuu ciyaaraa kaalin aad muhiim u ah, waxana xilkiisa gun-dhig u ah Dastuurka qodobkiisa 52aad oo sheegaya in goluhu yeelanayo la-taliye sharci”
LA TALIYAHA

Hargaysa(Salaanmedia.com)-La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa markii u horraysay sharraxaad ka bixiyey qaabka guddoomiye Cirro ugu wareejiyey mooshinno mudanayaal tiro badan saxeexeen oo ujeeddooyin kala duwan xambaarsan.
Fadhigii Golaha Wakiillada ee qabsoomay Axaddii toddobaadkan, waxa la hordhigay saddex mooshin oo kala ah; soo jeedin la xidhiidha in wax-ka-beddel lagu sameeyo xeer-hoosaadka oo ay saxeexeen mudanayaal ka badan 50 xubnood, kaasoo uu ku hoos qarsoon yahay mid xilka lagaga qaadayo guddoomiyaha, halka mooshinka labaadna yahay in muddo kordhin lagu sameeyo fadhiga golaha oo sida qorshuhu yahay xidhmi lahaa 11 February 2014 oo ku beegnayd Salaasadii shalay, iyadoo mooshinka saddexaad ee la soo gudbiyeyna ahaa mid ay saxeexeen mudanayaal ka tirsan guddida joogtada ah oo lagu tagaeerayo wax-ka-beddelka xeer-hoosaadka.
Guddoomiye Cirro, ayaa sida sharcigu yahay golaha ka hor akhriyey magacyada mudanayaasha saxeexay mooshinnada la soo gudbiyey, waxaannu laalay mooshinka ay soo gudbiyeen xubnaha guddida joogtada ah oo uu ku sababeeyey in aannu guddoomiyaha guddidu hoggaaminayey shirka go’aankaas lagu qaatay, halka labada mooshin ee kale uu uu gudbiyey La-taliyaha Sharciga si uu waajibkiisa shaqo uga guto.
Haddaba, La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaaJamhuuriya uga warramay awoodaha sharci ee uu ku leeyahay mooshinnada loo gudbiyo, waxa ay tahay shaqadiisa Golaha Wakiillada iyo qoddobo kale oo kala duwan, waxaannu waraysigaasi u dhacay sidan:
Su’aal: La-taliye, waa maxay shaqada iyo kaalinta aad ku leedahay hawlaha iyo shaqooyinka Golaha Wakiillada?
Jawaab: Horta qarankeenna Somaliland waxaa saldhig u ah, uguna sarreeya waa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo sida adduunyada kaleba qeexa dhismaha dawladnimo. Innaga Somaliland ahaan waxaynnu leenahay saddex dhadhaar (Xeer-dejin, Xukuumad iyo Garsoor) oo leh awoodo siman oo midba midda kale ku ilaaliso Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka, markaa Golaha Wakiillada oo ah gole ka mid ah labada gole ee ay Xeer-dejinta ama Baarlamaanku ka kooban yihiin.
Markaa haddaan u soo daadago su’aashaadan, runtii La-taliyaha sharcigu wuxuu ciyaaraa kaalin aad muhiim u ah, waxaanna xilkiisa gun-dhig u ah Dastuurka qodobkiisa 52aad oo sheegaya in goluhu yeelanayo la-taliye sharci oo qabta, kalana taliya arrimaha u baahda talo sharci iyo iftiimin sharci. Waxa kaloo la-taliyuhu u yahay Golaha Wakiillada qareen metela marka ay jirto fal hay’ad kale oo liddi ku ah Golaha Wakiillada. Waxaan si joogto ah ugala shaqeeya Guddoomiyeyaasha Golaha iyo guddiyada golaha talo-bixinta sharci ee ku aadan mashruuc sharciyada, waxaanan ka taakuleeyaa guddiyada curinta xeerar cusub iyo kuwa loo soo gudbiyaba. Waxa kale oo aan eegaa arrimaha kale ee u baahda faahfaahin sharci iyo soo jeedimaha mooshinnada golaha, kadibna waxaan ka hor akhriyaa Golaha Wakiillada jawaabta sharci ee soo baxda.
Su’aal: Waxa jiray mooshinno mudanayaal golaha ka tirsan saxeexeen, guddoomiyuhuna magacyadooda xaadiriyey, kadibna adiga ayaa lagugu wareejiyey. Arrintaas xildhibaanno golaha ka tirsan ayaa sharci-darro ku tilmaamay, kuwaasoo ku dooday in mooshinnadaas markiiba cod la geliyo si loogu kala baxo. Haddaba, Guddoomiyuhu hab sharci ma u maray mooshinnada uu kugu wareejiyey?
Jawaab: Haddaan arrintaas iftiimin ka bixiyo; horta goluhu wuxuu hadda ku jiray kalfadhigiisii 23aad, sida caadada ahna kal-fadhi kastaa muddo ayuu socdaa oo ay mudanayaashu yeeshaan fadhiyo, markaa fadhigii qabsoomay 09/02/2014 (maalintii Axadda), markii guddoomiyuhu furay mudanayaal ka tirsan golaha ayaa mooshinno u soo gudbiyey. Sida uu dhigayo qoddobka 42aad, faqraddiisa koowaad ee xeer-hoosaadka, mudanayaashu xaq bay u leeyihiin inay soo gudbiyaan mooshin, markaa guddoomiyaha ayey u soo gudbiyeen laba mooshin, guddoomiyuhuna isagoo raacaya qoddobka 42aad ee xeer-hoosaadka ayuu magacyada mudanayaasha mooshinka keenay ka hor akhriyey golaha, sharciyanna waa in ay goob-joog ahaadaan mudanayaasha soo gudbiyay, waayo mooshinnadu way kala duwan yihiin.
Waxyaabaha qaarkood waxaa lagu keeni karaa 11 xildhibaan siduu xeer-hoosaadku jidaynayo, arrimaha qaarna waxa loo baahan yahay (1/3) 27 xildhibaan oo mudanayaasha ka tirsan. Xubnuhu waa in ay goob-joog ahaadaan, waayo waxa la hubinayaa in saxeexa iyo magaca mudanuhu uu iswaafaqo, kana xaadiro fadhigaas. Markii arrimahaasi dhammaadeen, guddoomiyuhu isagoo xeerarka dhawraya ayuu mooshinnadaas igu soo wareejiyey, tallaabadaasina mid sax ah ayey ahayd.
Su’aal: Waa maxay doorka aad ku leedahay mooshinnada laguu soo gudbiyo. Ma wax baad ka beddeli kartaa, mise sidooda ayaad u daysaa. Bal sharrax shaqada aad ku leedahay mooshinnada?
Jawaab: Waa su’aal fiican, doorkayga la-taliye sharci waa kadib marka la xaadiriyo magacyada mudanayaasha keenay mooshinka, waxa Guddoomiyuhu amma guddoonshaha shirkuba ku wareejiyaa isla fadhigaas La-taliyaha Sharciga sida uu dhigayo qodobka 42aad ee xeer-hoosaadka si aan uga guto waajibaadkayga, una hubiyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha. Waxaan golaha ka hor akhriyaa jawaabta taladayda sharci ee ku aaddan mooshinkaa la ii soo gudbiyay.
Fadhigii dhawaa ee 09/02/2014 sida caadiga ah waxa golaha hoggaaminayey guddoomiyaha, waxana la ii soo gudbiyay mooshinka sida uu nidaamku yahay, aniguna waxaan ka gudanayaa waajibkayga, shaqadayduna waa in aan eego, hubiyana in mooshinkaasi waafaqsan yahay dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha.
Su’aal: Muddo intee le’eg ayaad haysan kartaa mooshinnada laguu soo gudbiyo?
Jawaab: Horta xeer-hoosaadku runtii muddada ma cayimin, mana xaddidna, maxaa yeelay arrimaha amma tirada mooshinnada la soo gudbiyay ayey ku xidhan tahay, La-taliye ahaanna ama hab-dhaqanka xeer-dejinta ee aynnu ku soo dhaqmaynay marka loo eego, waxa mooshinkaas dib loogu celiyaa golaha muddada ugu macquulsan, uguna dhaw. Markaa mooshinkan la ii soo gudbiyay waajibkayga ayaan ka gudanayaa, waxana ina hagaya Dastuurka iyo xeer-hoosaadka, inkasta oo fadhigii u dambeeyey ee Golaha Wakiillada ay Guurtidu soo dhexgashay, muddo toddobaad ahna la fasaxay, balse, La-taliye ahaan waxaan ka gudanayaa waajibkayga, waxaanan leeyahay dadweynaha golahu qaabab kala duwan ayuu u shaqeeyaa, mudanayaashuna fikir iyo arrin way isku qabtaan, mawqifyo kala duwanna way istaagaan oo nidaamka iyo xeer-hoosaadka ayuun baa la raacayaa. Waxaan rajaynayaa guud ahaan in aynu isku duubnaanno oo qarannimadeenna iyo himiladeenna aqoonsi-raadinta xoojinno.
Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, waa nin dhallinyaro ah oo muddo badan ka shaqaynayey golayaasha xeer-dejinta (baarlamaanka) Somaliland, waana garyaqaan sare oo shahaadada sare ee qaannuunka Master of Law (LLM) ka qaatay jaamacad ku taal dalka Koonfur Afrika, isagoo shahaaddada koowaad ee Digriiga ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, waxaannu qaababka shuruucda loo curiyo ku soo bartay waddamo ku yaal qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin dalalka Ghana iyo Tansaaniya.

Laaqalo