Labada Garab ee KULMIYE oo Xalay Lays Hor-fadhiisiyey iyo Nuxurka Kulankaasi Huwanaa+Ballan Madal Odayga Xisbigu Goob-joog Ka Noqonayo Oo Turxaanta Lagu Gufayn Doono.

Labada Garab ee KULMIYE oo Xalay Lays Hor-fadhiisiyey iyo Nuxurka Kulankaasi Huwanaa+Ballan Madal Odayga Xisbigu Goob-joog Ka Noqonayo Oo Turxaanta Lagu Gufayn Doono.
Daawo Muqaal: Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga KULMIYE Iyo Xiliga Shirweynaha Xisbiga La Qabanayo

Hargeysa(Salaanmedia.com) Guddida Turxaan bixinta khilaafka Xisbiga KULMIYE ayaa xalay kulansii yay labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala fadhiyeen ee sababtay dibu-dhaca shirweynaha Xisbiga iyo khilaafaadka kale ee Dalka ka jira sida tii Golaha waakiiladda ee la soo af-jaray.

kulmiye_257_250
Kulanka xalay oo noqonayaa kii afraad ee Guddidu qabato ayaa ka duwanaa kuwii hore ee gooni goonida loola kulmayey labada garab, waxaanu noqday mid lagu soo bandhigay Xogihii iyo macluumaadkii ay guddidu ka soo diyaarisay kulamada hore, kuwaas oo kooxiba kooxda kale Eeda Khilaafka dusha ka saaraysay.
Lama oga in kulankani uu noqday kii lagu gabagabayn lahaa khilaafka iyo in go’aanku danbayn doono, hase yeeshee sida lagu daabacay Waaheen.com oo aanu warkan ka soo xiganay waxa uu u muuqdaa maadaama wakhtigu is gurayo wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo u qoondeeyey shirweynuhu oo ku beegan 22 March-na soo dhaw yahay in uu noqono doono laba mid uun, mid gunaanadi doona khilaafka Xisbiga ama mid cirka ku sii laali doona.
Kulanka ayaa ka dhici doona Qasriga Madaxtooyadda sida kuwii hore oo kale maadaama xarunta guddida laga dhigay Madaxtooyadda, waxaana goob joog ka noqon doona Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah Odayga Xisbiga KULMIYE.

L Q L