Labadii Garab Ee Uu u Dhaxeeyey Khilaafka Golaha Wakiilada Oo Is Mari Waayay,Una Gudbiyay Arrinta Ergadii Golaha Guurtida

Labadii Garab Ee Uu u Dhaxeeyey Khilaafka Golaha Wakiilada Oo Is Mari Waayay,Una Gudbiyay Arrinta Ergadii Golaha Guurtida

XILDHIBAANADDDA
Hargaysa(Salaanmedia.com)-Guddiyada Golaha wakiilada Somaliland u saaray Xalinta khilaafka mudooyinkii u dambeeyay ka taagnaa Golaha wakiilada ayaa maanta ku kala kacay fadhiyo joogta ah oo ay lahaayeen maalmihii u dambeeyay.
Dhexdhexaadinta ayaa la isku mari waayay qodobka xil ka qaadista gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa oo la isku hayo in lagu rido 42 ilaa 55 mudane codkooda. Guddida Xisbiga Kulmiye ka soo jeeda yaa danaynaya in hoos loo dhigo Codka Gudoomiyaha lagu ridayo.
Xildhibaan Rayte oo ka tirsan garabka mucaaradka ah islamarkaana ka mid ah guddida khilaaf saarka ah ayaa dhinaca Kulmiye ku eedeeyay in Go’aamada looga soo yeedhinayay Madaxtooyada islamarkaana ay diideen in labada gudoomiye xigeen iyo Gudoomiyaha lagu rido 55 cod. Mucaaradka ayaa sheegay inay Ogol yihiin in labada ku xigeen lagu celiyo halkoodii hore oo ahayd 42 mudane, balse aan muxaafadku wax tanaasulaad ah samayn.
Labada Gudoomiye ee labada dhinac u kala meyelayey gudida xalinta khilaafka golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan dheere) iyo Xildhibaan Saleebaan cali koore ayaa si wada jir ah saxaafadda ugula hadlay maanta magaalada hargaysa waxana ay sheegeen in gudidii golaha wakiiladu u taag weyday inay xaliyaan oo meesha ka saaraam khilaafkaasi taas darteedna ay u gudbiyeen dhanka golaha guurtida Somaliland oo markii hore ka dalbaday golaha wakiilada inay dhexgalaan khilaafkooda.
Golaha wakiilada ayaa dhawaan ka codsaday Guurtida oo dhexdhexaadinaysay inay iyagu gaar u wada hadlaan. Arinta maanta ayaa muujinaysa in Golaha murankiisu cirka isku sii shareerayo. Guurtida ayaa la filayaa inay mar kale soo faro galiso.

Laaqalo