Lamaanayaal Badan Oo Soomaali Ah Oo Is Waayey Amar Ay Dhawaan Soo Saareen Xarakada Al-Shabaab Darteed

Lamaanayaal Badan Oo Soomaali Ah Oo Is Waayey Amar Ay Dhawaan Soo Saareen Xarakada Al-Shabaab Darteed
Laamanayaalll

Muqdisho:(Salaanmedia.com)-Lamaanayaal badan oo u dhashay dala Soomaaliya oo kunool gudaha Dalka iyo dibadiisa ayaa ku kala fogaaday amarkii dhawaan Xarakada Al-Shabaab ku joojiyeen adeegii Internetka ay kuwada xadhiidhi jireen.

Dhalinyardaa Soomaaliyeed ee kunool gudaha iyo Dibada ayaa inta badan haasawahooda waxa ay u adeegsan jireen kuna wada xadhiidhi jireen Internetka, waana mida fududeesay in ay xadhiidh yeeshaan dhalin badan iyaga oo kala fog.
Inta badan Dhalinyarada ayaa aaladaha ay ku haasaawi jireen Xadhiidhkooda Jaceylna kuwadan jireen ayaa ahaa aaladaha WhatsApp , Facebook iyo Nimbuz , dhalinta kunool Koonfurta Soomaaliya ayaana inta badan aaladahan ka isticmaali jiray Moobeelkooda.
Tan iyo markii la jaray Adeegii Internet Moobeelada ay bixin jireen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaa is waayay oo xadhiidhkooda yaraaday dhalinyaro badan oo hawada iska jeclaa Internetkana kuwada sheekeesan jiray.
Saameynta ugu badan joojinta Internetka waxa uu ku yeeshay dhalinyarada iyo dadka kale ee Isticmaali jiray Adeega Internetka ee kunool Koonfurta Soomaaliya , waxaana hada dhalinta qaarkood inta nasiibka u saamaxo haasaawahooda kusii wadaan dhinaca Telfoonka Maadaama internetkii la waayay.
Waxaa sidoo kale maalmahan la arkayay dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo gabdho oo kunool Dalka Dibadiisa oo lamaanayaashooda oo kusugan Soomaaliya kula soo hadlaya Telfoonka maadama la waayay Internekii lagu wada xadhiidhi jiray.
Adeegii Internetka ay joojiyeen Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ayaa saameyn badan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulsada gaar ahaan dhalinyarada oo iyagu ahaa kuwa ugu isticmaalka badnaa.

Laaqalo