Lionel Messi: Aniga Kuma Mashquulo Wax Yaabaha Ay Dadka Iga Sheegaan Muhiimadna Ma Siiyo.

Lionel Messi: Aniga Kuma Mashquulo Wax Yaabaha Ay Dadka Iga Sheegaan Muhiimadna Ma Siiyo.

MEZIIIIXiddiga heerka caalami Ee xulka Argentine iyo kooxda Barcelona Lionel Andres Messi ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiayay Radio La Red Ee Argentine isagoo ka hadlay hadalada ay saxaafad ka baahisay iyo tababarihii hore Ee Barcelona Cappa sido kale koobka aduunka Ee lagu wado in lagu qabto Brazil.
Isagoo ka hadlaya hadalkii tababarihii hore Ee Barca Angel Cappa wuxu yiri:
“ma garanayo sababta uu sidaas ugu hadlay, aniga muhiimad ma siiyo hadaladas oo kale mana garanayo wuxu iigu eedeyay in kubadeyd ay hoos u dhacday, wuxuna igu tilmaamay inan kubadda ka caajisay oo ka xiisa dhacay, dhawaci dheera kadib waxan u baahna waqti aan ku soo kabsado diyaar uma aheyn inan ku dagdago midas dhaq dhaqaaqeygana waxey ahayeen kuwo xadidan”.
Mar uu ka hadlayay hadalada ay saaxafada ka sheegeen wuxu yiri:
“aniga waxan u ciyaaraya qaabka aan jeclahay, xitaa hadan gool dhalin waxan ku faraxsanahy qaab ciyaaredkeyga wanagsan Ee aan soo bandhigay lakiin waxan u baahanahy waqti aan sidi hore ugu soo noqdo sidaa darted muhiimad maba siiyo hadaladoda kaliya kooxdeyda ayaan muhiimada siiyaa”.
Tababare Tata Martino:
“Tata waa qof caqli badan oo wax garad ah wuxuna bartay sida loo wajaho duruuf walba oo soo wajahda”.
Suurta galnimada ay Argentine ku qaadi karto koobka aduunka:
“Argentine waa mid ka mid ah xulalka u sharaxan koobka aduunka, xulkena haduu si wanagsan u ciyaaro iyo hadii kaleba waa xul awood u leh inuu qaado koobka aduunka”.
Laaqalo