Faalo…Ma Laga Yaabaa In Madaxweyne Siilaanyo Afkii Uu Gu’ga Ku Daaqay Mar Kale Ugu Holado Hunguraynta Caws Jiilaal……

madaxweyne silaanyo

Ma Laga Yaabaa In Madaxweyne Siilaanyo Afkii Uu Gu’ga Ku Daaqay Mar Kale Ugu Holado Hunguraynta Caws Jiilaal…….. –

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii aynu ka soo Gudubnay ee 2013-ka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad sanadeedkiisii oo uu sacab badan u dhacay u jeediyay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada
Khudbada Madaxweynaha oo laga soo diyaariyay Buug Yare lagu soo koobay waxyaabaha u qorshaysan, kuwii u hir galay iyo waliba Higsigiisa, ayaa waxa dhagaha intii maqlaysay ay si weyn ugu riyaaqeen, ka dib markii uu sheegay in haddii uu wakhtigu ka dhamaado aanu jeclayn in xilkiisa loogu daro Maalin.

Hadalkan ayaa waxa si weyn ugu sacabiyay Mudaneyaasha Labada aqal ee wakiilada iyo guurtida oo
fadhigaasi wada jir uga soo xaadiray.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wakhtigaasi ka hadlaya halka uu ka taagan yahay Muddo Kordhinta ayaa yidhi

“Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta korodhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka , marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkooda, mana jirto wax iska kay bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin ah la iigu daro muddo xileedkayga dastuuriga ah” ayuu Madaxweynuhu wakhtigaasi yidhi.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waa madaxweynaha Somaliland ee wakhtigan, waxaanu xilligii uu hogaanka u haya xisbiga Kulmiye, mucaaradad xoog leh kala soo horjeeday Xukuumadii uu gadh wadeenka ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynihii hore iyo Xisbigiisii ayaa marka laga yimaado mudo xileedkooda, waxa ay kordhimo ku joogeen sanado, kuwaas oo u dacal saarayay kolba marxalada uu dalku galo.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ku eedayn jiray Xukuumadii uu xilka kala wareegay Fadhiidnimo, Korodhsiimo jecayl, Maamul xumo iyo musuq-maasuq.

Maalmihii ugu dambeeyay waxa warbaahinta maxaliga ah si weyn u haystay warar sheegaya in xukuumada Talada Haysa loogu dari doono muddo dheeraad ah, taas oo ay ku sii hawl geli doonto.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow) oo ka mid ah madax dhaqameedka Beelaha Bariga Burco, wakhtiyadan ugu dambeeyay si weyn ugu dhuun daloolay Madaxtooyada iyo arrimaha ka socda ayaa sheegay in ay jirto hadal hayn ah in uu madaxweynaha somaliland korodhsiimo uga fadhiyo Labada Gole.

Xisbiyada Mucaaradka ah, shacabka iyo waliba siyaasiyiinta reer somaliland ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga hadlay, waxaanay ku tilmaameen in aanay jeclaysan xantan, kuna dhegan yihiin wixii ay madaxweynaha Somaliland afkiisa ka qoreen.

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa ka digay wax kasta oo dib u dhigi kara Doorashooyinka Madaxtinimada.

Waxa uu intaasi ku daray in ay qoreen weedhihii uu madaxweynuhu iskaga fogeeyay in loo kordhiyo wakhtiga, marka ay ka dhamaato mudadii loo doortay xilka uu hada hayo, waxaanu yidhi “Waxaa muhiim ah in waxyaabaha loo baahan yahay ee doorashooyinka khuseeya hore loo qabto, oo aan markiiba lagu boodin dibudhac ku yimaada doorashooyinka, arrinta dibudhigida doorashooyinka mid taala maha, Madaxweynaha Somaliland waxaa isna laga hayaa in aanu hal maalin dib u dhigidoonin, hadalkaas ayaanu annagu ka haynaa, waxaa kale oo jira in xooga tafaahum la’aan ahi ka dhaceen diwaangalint codbixiyaasha”.

dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta la hadlayay boqolaal ka mid ah Ardayda Jaamacadaha Hargeysa ayaa sheegay in ay weli hayaan codkii madaxweynuhu uu ku sheegay in aanu maalin ku darsan doonin, waxaanu yidhi “Khudbada Madaxweynuhu ka jeediyo labada Gole baarlamaan, waxaa la yidhaahda khudbad sanadeed, taas ayuu ka sheegay in aanu hal maalin korarsan doonin, waxaan qabaa in Siyaasaddiisu taas tahay, lakiin waxaan ogahay in xubno Xukuumaddiisa ku jira aanay ku shaqaynayn siyasadda Madaxweynaha” ayuu yidhi.
inta badan siyaasiyiinta iyo bulshada Rayidka ah ayaa isku raacsan in ay sii laban-laabantay musuq-maasuqa ka dhex jira Xukuumada talada Haysa, waxaanan ku soo koobi lahaa Faaladan Baydad ka mid ah maansadii Bulsho Oo uu 1981-kii Tiriyay Abwaanka Caan Baxay ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”
Bulshoy adigaa milga leh
Ninkii boojimo ku yidhi
Shalaad barataannu nidhi
Bayluulida haw furfurin
Bariidana kaama geyo

Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba’aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabi

Shantaana umal fool bashiishtay
Berdaanka xusuusta ii dheh

Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa

Bulshooy adigay boqrday
Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay
Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh
Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday
Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi’in
Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn

Haddaan wanka badhida weyn
Baraarkana loo qalqalin
Ninkii cunay booligaaga
Haddaan buro loogu darin
Saboolka haddan la badin
Haddaan boqol ruux la korin
Dhulkii beeraha lahaa
Haddaan basanbaas ka dhicin
Bal iyo xaab laga idlayn
Dadkii qabay berisamaadka
Haddaan badhax loo shubshubin
Barwaaqadu tuugsi noqon
Haddaan badar loo kaltamay
Biyaha sixin looga dhigin
Basaasta ninkii huwaday
Badhaadhnay haddaanu odhan
Naftiisana been ku furan
Miyaynu is baran lahayn