Ma Sheekadii Caanaha Riyaha ayuu Wasiirka Madaxtooyadu soo Dhowaynta Diirran ku Mutaystay? Tifaftiraha Jamhuuriya – Maxamed Cirro

Ma Sheekadii Caanaha Riyaha ayuu Wasiirka Madaxtooyadu soo Dhowaynta Diirran ku Mutaystay? Tifaftiraha Jamhuuriya – Maxamed Cirro –
IMG_02611-150x150

(Salaanmedia.com) Tuesday, February 04, 2014 12:45:42
-..Wasiirro, masuuliyiin iyo saraakiil dawladda xilal kala duwan ka haya, xildhibaanno, madax-dhaqameedyo, dumar iyo dhalliyaro tiro badan, ayaa Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan si diirran ugu soo dhoweeyey shalay Madaarka magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu dalka kaga maqnaa oo muddo toddobaadyo ah qaatay.
Dadka sida weyn u soo dhaweeyey Wasiir Xirsi waxa ka dhex muuqday Maayir-ku-xigeenka Hargeysa Md. Cabdicasiis Cago-weyne oo salaan dheer wasiirka la tiigsaday markii uu diyaaradda ka soo degay. Waxa kale oo si fiican kamaraduhu u qabteen wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada, Wasiir-ku-xigeennada Ganacsiga, Gaashaandhigga, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kala duwan oo ka

socday Madaxtooyada iyo dawladda-ba, sacab badan iyo salaan diirran ayaana lagu qaabilay.
Haddaba, ma xuma in Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiirrada kale ee xilalka u haya qaranka la soo dhaweeyo oo weliba qaabilaaddooda safaf dhaadheer loo galo, su’aashuse waxay tahay maxay wasiirradu ku mutaystaan in la soo dhaweeyo? Tolow ma shaqo fiicni baa? ma Waxqabad iyo karti baa? Ma guul ay safar dibadeed ka soo hooyaan baa? Balse wasiir kasta oo safar ka soo laabta madaarka si diirran ma loogu qaabilaa? Mise rag wasiirro ah oo si gaar ah u calaamadaysan ayaa sacab iyo salaan lagu qaabilaa?
Su’aalahaas jawaabtoodu way adag tahay, wayna kala duwan yihiin, waxaanan u dhaafayaa akhristayaasha iyo dadweynaha reer Somaliland si qof kastoo muwaaddin ah ra’yigiisa uga dhiibto, laakiin qallinku waxa uu leeyahay ma qumana in xilalka qaranka lo ohayo iyo waajibaadka shaqo ee ummadda loo hayo lagu lumiyo wasiir soo dhowayntiisa saacado loo taagnaado garoomada diyaaradaha?
Wasiirka Madaxtooyadu waa nin da’yar ah oo hadal-hayntiisu ku badatay bulshada dhexdeeda. Mafrishyada lagu qayilo iyo goobaha la isugu yimaad cid magaciisa soo qaada lagama waayo. Mid ammaana, qof dhaliila, mid yidhaa waa geesi qaran oo shaqadiisa ka adag iyo qaar ku dooda in Wasiir Xirsi yahay ibtilo dalka lagu soo dhex tuuray oo meel kale laga soo hindhisay. Fikradahaas kala duwan ee laga aamisan yahay waxay sidoo kale ku qotomaan qaabka loo soo dhoweeyo marka uu ka soo laabto safarrada dibadda, dadka qaar ayaana aaminsan inuu kartida iyo waxqabadkiisa ku mutaystay soo dhawaynta loo sameeyo, halka kuwo kalena sheegaan in soo dhawaynta iyo u-sacabbaynta Xirsi la xidhiidho cabsi wasiirrada iyo masuuliyiin badan oo dawladeed ka qabaan awoodihiisa dheeraadka ah iyo dhegta uu haysto Madaxweynaha hoggaaminta qaranka loo doortay.
Hase ahaatee, qallinku wuxuu isweydiiyey su’aal arrimahaas oo dhan ka baxsan oo ah tallow soo dhawaynta wasiirka madaxtooyadu ma waxay la xidhiidhaa sheekadiisii caanaha riyaha? Haddaad isweydiiso maxay sheekada caanaha riyuhu ahayd, anigaa kuu faahfaahine waxba maxkaxda ha daalin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska kulan ballaadhan kula yeeshay qurba-joogga habeenkii Axadda ee toddobaadkan, iyadoo Wasiirka Madaxtooyada oo xafladdaas ka hadlay uu si duur-xul ah u sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxamaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo taageerayaashiisu guul siyaasadeed ka dhigteen xeer-hoosaadka la ansixiyey ee awoodaha ka qaaday labada guddoomiye-ku-xigeen oo ka soo jeeda xisbigada talada haya ee KULMIYE – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf.
Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa ka sheekeeyey nin laba xaas qabay, carruurna dhalay, xoolo riyo u badanna leh oo markuu caanaha riyaha laga liso ka dhergo, labadiisa afo ku leg-din barta. Ninkaas caanaha riyaha cabbaa markii uu ogaaday in labadiisa dumar ah ka xoog weynaaday ayuu maalintii dambe intuu caanihii riyaha ka dhergay tagay tuulo dadku isugu yimaad, waxaannu raggii tuulada joogay ka dalbaday inay u soo saaraan cid la led-denta, kadibna u soo baxay nin xoog weyn, kaasoo intuu kor u qaaday ninkii caanaha riyaha ka dhergay beerka kaga fadhiistay. Ninkii labadiisa xaas ku leg-din bartay ayaa markii dhulka lagu dhuftay ee beerka lagaga fadhiistay sanka ka sii daayey caanihii riyaha!
Waxa kaloo Wasiir Xirsi uu sheegay in rag badan oo xeer-hoosaad la ansixiyey guul ka dhigtay ay sanka caanno ka keeni doonaan marka la isugu yimaad saaxadda siyaasadda, isagoo arrintaasna ugu duur-xulayey guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu tusayey in aannu guul ka dhigan labada guddoomiye-ku-xigeen oo uu awoodihii ka qaaday, balse la isku arki doono masraxaha siyaasadda. Sheekadaas kaftanka ah ee caanaha riyaha oo dadweynaha iyo siyaasiyiintaba inta maqlay aad ugu qosleen, ma noqon kartaa ta sababta ah u noqotay in Wasiirka Madaxtooyadu ku mutaystay soo dhowayntii Madaarka Hargeysa loogu sameeyey shalay?

Laaqalo