Madaxweynaha Puntlan Gaas Oo Ciidamo Waydiistay Dowlada Itoobiya Iyo Faahfaahin Ku Saabsan Waxyaabihii Ay Ka Wada-Hadleen Itoobiya & C/Weli Gaas

Madaxweynaha Puntlan Gaas Oo Ciidamo Waydiistay Dowlada Itoobiya Iyo Faahfaahin Ku Saabsan Waxyaabihii Ay Ka Wada-Hadleen Itoobiya & C/Weli Gaas
cabdiweli

Addis Ababa: ( Salaanmedia.com) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas oo booqasho ku soo gaaray Itoobiya, ayaa magaalada Addis-ababa kulan kula yeeshay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya, waxaana wararka ka imaanaya kulanka ay yeesheen ay sheegayaan in Gaas ka
codsaday Itoobiya in ay ciidamo la soo gaarto Puntland, isagoo sheegay inay sii kordheyso cabsida la xiriirta in Alshabaab isku fidiso deegaano hor leh oo ku dhow Buuraha Galgala.
Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas wuxuu ka codsaday Itoobiyaanka in sida keliya ee looga sifeyn karaa buuraha Galgala Alshabaab ay tahay in lagu buufiyo sun, waxaana heshiiska ay labadda dhinac wada gaareen ka mid ah in Itoobiy ay burburiso gacan ka siiso Puntland dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, taas bedelkeedana Puntland waxey u fasaxeysaa Itoobiyaanka in canshuur laáan isticmaalaan dekadda Boosaaso muddo 9 sanno ah, ayna wax kala soo dagi karaan, waxna ka raran karaan”
Guuxa shacabka Puntland ayaa shalay u badnaa: Boowe Faroole oo keligii taliye ah wuxuu ka diiday Itoobiyaankii ayuu Cabdiweli u sheegay inuu diyaar u yahay inuu u fuliyo.
Mid ka mid ah siyaasiyiinta Puntland oo ka hadlayey socdaalka Cabdiweli Gaas ku tagay Itoobiya nagana codsaday inaan magaciisa la xusin wuxuu yiri:
Horta Itoobiya waa meel (transit) ahaan uu u maro qofkii dalalkaasi dibedda ah u safraya, ninkaan (Cabdiweli Gaas) wuxuu halkaas u tagay 3 arrimood midkood:
1) In loo yeeray oo la yiri dowladda dhexe amarkeeda ku soco, annaga & dowladda dhexe ayaa heshiis kala saxiixanay.
2) Inuu u tegay inuu soo dhaga-dhageeyo heshiiskii ay wada gaareen dowladda Soomaaliya & dowladda Itoobiya, isaga oo doonaya inuu yiraa Itoobiyaankii ayaan u daba maray.
3) Puntland maadama ay gumeysiga Itoobiya ku jiraan wuxuu u tagay amar qaadasho iyo inuu is xadiriyo oo uu yiraah waa na kanaa, waxaad noo dirtaana diyaar ayaan u nahay.
Warar kale oo aanu ka helnay ilo madax-bannaan waxey sheegayaan in C/weli Gaas & Itoobiya ay ka wada-hadleen in maamulka cusub ee uu madaxda ka yahay Gaas sii ambqaado wada-shaqeyntii ku saabsaneyd in Puntland ay ku soo wareejiso Itoobiya shaqsiyaadka ku sugan deegaanadooda ee looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa gobonima-doonka ONLF, xittaa dadka niyada ka jecel in ONLF ay guuleysato in sidii uu C/raxmaan Faroole ugu soo gudbin jiray Itoobiya in C/weli Gaas na ugu soo gudbiyo, waxaana C/weli gacanta loo soo geliyey magacyada shaqsiyaad beesha Ogaadeen ka soo jeeda oo Puntland ku sugan inuu ku soo wareejiyo Itoobiya.