Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas Oo Kulan Casho Ah La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas Oo Kulan Casho Ah La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya
Puntland

Addis ababa: (Salaanmedia.com) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas ayaa casho sharaf soo dhowayn ah loogu sameeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu booqasho ku gaadhay.
Gaas ayaa waxa wehelinaya wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indhoguran , taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere iyo hawlwadeeno ka tirsan madaxtooyadda.
Dar Gaas Casha sharafta loo sameeyey ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom , Safiirka Ethiopia ee Somalia Amb. Wandhimo Asaminow , safiiradda geeska Afrika iyo weliba Diblumaasiyiin Ethiopian ah.
Ugu horeyntii ayuu Dr: Gas-ka Puntland kala hadlay mas’uuliyiinta Ethiopia xoojinta xidhiidhka nabadgelyo iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dhinac, waxana uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Deselegn
Safarkaan ayaa ah midki ugu horeeyey ee dibada uu ku aado ilaa intii madaxweynaha uu ka noqdey Puntland iyadoo ay tahey markasta Dowlada Ethiopia mida saameynta ugu weyn ku leh maaamulda loo soo dhiso Puntland iyo Somaliland-ba hadana ayba Koofurta si wanaasan ciidamo u soo galiyeeen sharciyada ka heysta Caalamka oo la yidhaahdo AMISOM kana qeyb qaadanmaya wax loogu yeedhay Amaanka Somaliya ay xoog uga qeyb qadanayaan.

Laaqalo