Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Haddii Uu Xilkiisa Gudan-waayo Oo Uu Leeyahay Meeshana Waan Fadhiyayaa Isaga Iyo Qayrkii-ba laga Yeeli-Maayo.”Xasan Guure

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Haddii Uu Xilkiisa Gudan-waayo Oo Uu Leeyahay Meeshana Waan Fadhiyayaa Isaga Iyo Qayrkii-ba laga Yeeli-Maayo.”Xasan Guure
hassan-guure-jaamac

Hargeysa, 17 Feb 2014 (Salaanmedia.com)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa si adag uga hadlay Khilaafka cakiran ee labada garab u qeybiyey Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ka codsaday Golaha Guurtida Somaliland oo loo tirin jirey dhinac inay khilaafkan si wanaagsan u dhex-dhexaadiyaan ka dib Markii Labadii.garab ee Golaha Wakiilladu ku fashilmeen inay khilaafkii dhexdooda xaliyaan oo ay guddidii guurtida ka codsadeen inay soo kala dhexgasho. Guddoomiyaha Mada-sha Wada-tashigu Xasan Guure Jaamac waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xaley u Waramayey Weriye Mustafe-jannaale oo ka tirsan Bahda Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews. Mar la weydiiyey Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac sida uu u arko inay labadii garab ee Golaha Wakiillada ka tirsan ee dhex-dhexaadinayey khilaafka ka dhex aloosan Gudahooda ee cirka isku shareeray inay maalintii Sabtida ee todobaadkan ay shaaciyeen inay ku guul-dareysteen inay xaliyaan oo ay ugu baaqeen Golaha Guurtida Somaliland inay soo kala dhex-gasho.
Waxa uu ku jawaabay “U maleyn-maayo inuu khilaafkaasi dhamaanayo,…qoladdii dawlada ahayd ee udhaa-dhaaraneysay dabada ayey ka wadaa,lacagtiina way hayaan,waxaynu eegaynaa dhaartii ay dhaarteen ee ahayd inay Baarlamaanka ay duuduub kaga dhameysanayaan iyo inuu Golaha Wakiilladu lugaha dhulka ku xejiyo,oo Guurtida ayey ku wareejiyeen guddiyadu oo waxaan leeyahay Guurtida dhinac ayaa had iyo jeer la idinku tirin jirayee,arrinkan u fiirsada.”. Mar iyana la weydiiyey Mujaahid Xasan Guure Jaamac su’aal ahayd, Shacabka reer Somaliland markaad la sheekeysato waxay ku sheegayaan inay ka niyad-jabeen hannaanka ay u shaqeeyaan Golaha Wakiilladu, iyaga oo ku tilmaama inuu khilaafka gudahoodu uu soo noq-noqdo, isla markaana uu ragaadiyey waxqabadkoodii arrintaasi ma ku muuqata? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Khilaafka Golaha Wakiilladu uu u sameeysan yahay,….maaha inay cidd-kale u soo gurmato ee waxay ahayd inay iyagu khilaafkooda go’aan ka gaadhaan, oo maaha xilkii ay umaddu u dhiibatey inay ka war-wareegaan,hadaanay xeer-hoosaadkooda baadhi kareyn (Wakiillada) meesha ha isaga soo dareeraan,haday Xeer-hoosaadkooda u igmanayaan inay go’aankooda u gaadho Guurtidu,arrintaasi waa ayaan-darro,
Golaha Wakiilladu waajibaadka xilkooda ha qaataan, oo arrinkiisa ha la soo noqdo ileyn dad nool lagama quusto,markaa waynu eegi doona”. Sidoo kale, mar la weydiiyey Guddoomiyaha Madasha wadatashiga Xasan Guure Jaamac waxa uu ka filayo inay Golaha Guurtida Somaliland dib ugu soo noqdaan khilaafka labada garab u qeybiyey Golaha Wakiillada oo ay dhex-dhexaadiyaan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Guurtida dhinac ayaa loo tirin jiraye, ee waxaynu eegi-doona sida ay u xaliso khilaafkan ka dhex alloosan Golaha Wakiillada Somaliland”.
Waxa kale, oo la weydiiyey Xasan Guure Jaamac Dood-cilmiyeedii Xisbiyada Qaranka Somaliland ee loo muddeeyey inay ku qabsoonto 10/2/2014 ee aynu soo dhaafnay dib ayey u dhacday,sideed u aragtaa arrintaasi? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi“Xisbiyadu (UCID iyo WADDANI) haddii ay si wanaagsan u qaban-waayaan Dood-cilmiyeeda annaga (Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka) ayaa u soo noqon doona waxba nagama xigaan oo baahidii umaddu u qabtay wey taagan tahay oo Golaha Wakiilladu go’aan ka gaadhi-kari-waayey, oo dawladu halka ay mareyso xaalkeeda weynu ognahay nidaam dalkan lagu hagayaa ma jirto,markaa waxay noqonaysa inay umaddu isku timaado oo ay tashato”. Waxa kale oo la weydiiyey Xasan Guure sida uu u arko hadalkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ka sheegay Madaarka Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo noqday dalka Ingiriiska ee ahaa inaanay cid aan xukuumada ahayn qaban Karin dood iyo wax shiraba
Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Qosol…..Qosol,Madaxweyne Axmed-Siilaanyo haddii uu xilkiisa gudan-waayo,oo uu leeyahay meeshana waan fadhiyayaa isaga (Madxweyne Siilaanyo) iyo qeyrkiiba laga yeeli-maayo,horena loogama yeelin.umadduna xilkeeda waa gudanaysa” Hadalkan Guddoomiyaha Madasha wda-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka danbeeyey,kadib markii guddidii labada dhinac ee Golaha Wakiilladu u saareen xal u helida khilaafaadkooda ee ay Guurtiduna ku kormeereysay ay ku fashilmeen inay xal u helaan khilaafaadkooda, kadib markii ay afar kulan oo ay yeesheen ay isku mari-waayeen inay xal ka keenaan ama isku soo dhawaadaan.

Salaanmedia/Hargaysa
OgaalNews