Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Cirro iyo Ku-xigeenkiisa Oo Xaalada Cakiran Ee Ka Dhex-taagan Aqalka Baarlamaanka si yaabo kala Duwan Uga Hadlay

Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Cirro iyo Ku-xigeenkiisa Oo Xaalada Cakiran Ee Ka Dhex-taagan Aqalka Baarlamaanka si yaabo kala Duwan Uga Hadlay

Ciro

Hargeysa, 09 Feb, 2014 (Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka dhex-oogan Xildhibaanada Golahaas. Madaxweynaha Siilaanyo oo shalay hadalka ka sheegay mar uu ka soo degay madaarka Hargeysa ee cigaal, waxa uu sheegay in xukuumadiisu aan wax faro-gelin ah ku haynin golaha wakiilada oo ay u madaxbannaan yihiin hawlahood sharci iyo shaqada u taala golahooda.ga, halka guddoomiye Cirro markale ku eedeyey xukuumada in wasiiro ka tirsan suuqa la joogan waraaqo oo ay xildhibaanada ka saxeexayaan. Waxaana uu madaxweyne Siilaanyo uu tilmaamay in aanay ka xukuumad ahaan aanay khusaynin hawlaha gaarka ah ee ay wataan Golahaasi, waxaanu yidhi, “Dalka intii aan ka maqnaa gaar ahaan wixii ka dhacay Golaha Wakiilada waa wax u yaala iyaga oo xukuumad ahaana maaha wax u taala.Goluhu iyagaa u madaxbanaan hawlahooda sharciga ayaana jidayna sida loo kala baxayo.” Madaxweyne Siilaanyo oo la waydiiyay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ku eedeeyay in xukuumadiisu ay faraha kula jirto Golaha Wakiilada, waxa uu ku jawaabay. “Anigu eedayntaas afkiisa ka maan maqal, waxaanse kuu sheegayaa in xukuumadu shaqo leedahay. Baarlamaankuna uu isna shaqo gaara leeyahay. Xukuumaduna diyaar ayay u tahay in aanay shaqadeeda u taala ka gudbin.” Sidoo kale, Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa xukuumada markale ku eedeyey inay iyadu fara-gelin qaawan ku hayso golaha “Shacabiga reer Somaliland waxaan leeyahay golaha wakiiladu horena u lamay dagaalamin xukuumada hadan la dagaalami mayo dagaalna kulama jiro, laakiin si qaawan oo badheedha oo cad ayay gacmaha ugula jirtaa golaha wakiilada oo waxaa cadaynayaa waraaqo ayay suuqa la taagan yihiin wasiiradda ay ka saxeexayaan Xildhibaanada.”Cirro waxaanu intaasi sii raaciyey hadalkiisii “Baashe iyo Cali horta waa saaxiibaday wixii dhacayna waxaan ku xisaabinayaa qadar alle oo maalinta horena fidnada dhacday waxaa ka dambeeysay xukuumada oo waxay uga dambeeysay go’aan goluhu gaadhay ayay soo fara-galisay.” Dhinaca kalen, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay mooshinkan ha ka day uu daarna in awooda guddoomiyaha la barbar dhigo awoodahoodii hore looga qaaday “Anigu ma ogi mooshin anaga lagu ridayo maan arag, laakiin xidhibaanada golaha aqlabiyadiisu waxaa lagu ridayaaba la yidhi labada gudoomiye ku-xigeen 42-cod, guddoomiyahana waxaa lagu ridayaa 55-cod shirgudoon-baa la isku yidhaahda, waxay soo jeediyeen in saddex-dayba laga dhigo 42-tan.

Ogaal News