Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filaayo Inuu Sabtida Dalka Ku Soo Laabanaya+Hawlo Xoog Leh Oo Horyaala.

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filaayo Inuu Sabtida Dalka Ku Soo Laabanaya+Hawlo Xoog Leh Oo Horyaala.

42siilaanyo2

Hargeysa(Salaanmedia.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa in uu dalka ku soo laabto maalinta Sabtida ee toddobaadkan soo socda, iyadoo marka hore lagu waday maanta oo Khamiis ah in uu dalka ku soo laabto.
ZZZZZ

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddo dhawr iyo toban cisho ah dalka uga maqnaa safari kala duwan oo uu ku maray dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska, kuwaas oo isugu jiray shaqo iyo Caafimaad.
Madaxweyne Siilaanyo oo maalmo Nasasho ku jiray ayaa Dalka ku soo laabanaya Sabtida iyadoo ay Miiska u yaalaan Dagaalo siyaasadeed oo uu kaga dhoofay Dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gogoshii uu u fidiyey Goboladda Barrio oo ay dufaano kaga soo fool leeyihiin Somaliland dhinaca Puntland.

Sheekada Golaha wakiiladda oo intii uu dibeda joogayba aanu ka haleelin nasashadii uu u baxay oo iyana Sabtida markuu soo caga dhigto la filayo in uu gacmaha la galo si uu weerar rogaal celin ah u-sameeyo.
Khilaafkii Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda oo aan meel na lagu tiirin isla markaana Guddidii uu u diray safari aan kaba danbayn safarkiisa ku mashquuleen iyadoo shirweynihii Xisbiguna isa soo gorayso maalmo koobanina ka hadhay.
Muranka maamul ee saameeyey masuuliyiinta Hay’addaha Dawladda oo min Wasiir, Agaasime iyo shaqaale oo laga filayo in uu wax ka qabto ama Isku-shaandhayn ku sameeyo si hawlaha qaranka Xukuumaddu u haysaa u dhaqaaqaan.
Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo hadaanay wasiiradiisu wax badan ka furdaamin waxa sugaya hawlo is dul tuulmay.