Magaaladda Hargaysa Oo Lagu Xidhxidhey Dhalinyaro Doonayey Inay Xusaan Maalinta Jacaylka Adduunka

Hargeysa(Salaanmedia.com)- Booliiska qaybta Galbeed ee Hargeysa ayaa maanta qab qabtay dhalinyaro doonaysay in ay xus dhaqan xumo ah ku soo sameeyaan magaalooyinka dalxiiska ee galbeedka Hargeysa, isla markaana ka celiyey kantaroladda kuwo kale.
Xuusuusta Love

Gaadhi Bas oo ay saarnaayeen dhaliyaro wiilal iyo gabdho isugu jira ayey Booliisku ku soo qabteen kanatroolka Galbeed ee Hargeysa, kuwaas oo ay saldhiga Ibraahim Koodbuur markii hore u taxaabeen balse markii danbe loo dhaadhiciyey Saldhiga Dhexe.
Sarkaal ka tirsan Booliiska ayaa sheegay in ay culays saareen sidii loo baajin lahaa dhalinyaro uu ku tilmaamay in ay doonayeen in ay xusaan maalinta Jacaylak adduunka oo ah fidno dhalinyarada lagu duufsanayo, waxaanu sheegay dhalinyarada ay xidheen mooyaane in ay jiraan kuwo kale oo ay ka celiyeen kantaraoolka.
Sarkaalkani waxa uu xusay in sadex gaadhi oo sida dhalinyaro ka mid ah kuwa u banbaxay xuskan dhaqan xumada xanbaarsani u baxeen dhinaca Berbera, halkaas oo ay si dhuumasho ah uga gudbeen, isagoo tilmaamay in dhalinyaradaasi qaarkood yihiin kuwii ka war helay in dhinaca Galbeedka lagu qab qabanayo.
Masaajiadada Hargeysa ayaa Khudbadii Jimcaha si wayn loogu canbaareeyey Xuska Maalintan oo ah dhaqan Diin laawanimo ah isla markaana laga soo min guuriyeu dhaqanka gaaladda, waxaanay habaareen meherado ay ku sifeeyeen in ay dhalinyada fasahaadkaas lagu majarahabaabiyey xaflado u qabteen.
Culimada Masaajidada ka hadashay ayaa sheegay qaar ka mid ah dhalinyaro dhinaca Berbera tagaysay oo la qabtay in ay Booliiska dhinaca Barri sii daayeen iyagoo ka dalbaday Xukuumaddu in ay kaalinteeda ka qaadato ilaalinta waajibaadka ka saran bulshada dhaqaneeda, Diinteeda iyo Cirdigeeda isla markaana ay toosto oo ay wax ka qabatao dhaqamada xun xun ee Hay’addaha ajanabiga ahi Dalka ka wadaan.