Manchester City Oo Qorsheyneysa Inay La Soo Wareegto Ku Dhawaad Seddex Ciyaaryahan Oo Khadka Dhexe Ah.

Manchester City Oo Qorsheyneysa Inay La Soo Wareegto Ku Dhawaad Seddex Ciyaaryahan Oo Khadka Dhexe Ah.
MANN

Kooxda hodanka ayaa Ee Man City waayahanba doondooneysay inay la soo wareegto ku dhawad seddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ka ciyaara kadib markii ay soo baxeen warar hoose oo sheegay in Jav Garcia uu kooxda isaga tagi doono halka ay Barcelona qorsheyneyso inay la soo wareegto David Silva.
Xiddiga heerka caalami Ee reer Spain ayaa in dhawala la tacaalayay kursiga keydka, Javi Garcia aya ka soo dhaqaaqay Benfica August 2010 isagoo ku soo biiray Manchester City weliba aduun lacageed gaaraya 15.8 milyan Euro markana saxiixay heshiis shan sano ah, balse iminka la sadalinayo inuu isaga dhaqaaqi doono Etihad dhamadka xilli ciyaaredkan.
Si kastaba ha ahaatee, 27 jirkan ayaa wajahay tartan xoogan oo ah khadka dhexe Ee kooxda isagoo mida la dhibaatonaya mudo 18 bilood ah iyadoo uu xiddigan bishii January uu dhawa inuu si amaah ah ugu biiro Napoli mudo lix bilood ah basle ayasan suuta galin midas.
David Silva ayaan la hubin inuu isaga tagayo Manchester City balse wuxu ka mid yahay xiddigaha diirada u saran Barcelona xilli ay Real Madrid dhankeda ka xiiseynaysay inay la soo wareegto xiddigan iyadoo uu Pellegreni cabsi weyn ka qabo in xiddigaha Barca Ee Spain ugu qeyb galaya koobka aduunka ay ku qalqaaliyaan Silva inuu u soo dhaqaaqo Camp nou.
Manchester City ayaa dooneysa inay ka feejignato labaddas arimood iyadoo ay iminkaba bilowday halgankeda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo doon dooneysa xiddiga kooxda Fc Porto Fernando, laacibka PSG Blaise Matuidi iyo ciyaaryahanka ka soo jeeda Africa una ciyaara Southampton Victor Wanyama.
heshiiska uu Fernando kula jiro kooxdisa ay dhamanaya xagaaga inkastoo ciyaaryahankan qadka dhexe ee daafaca Matuidi uu heshiis cusub u saxiixay kooxdisa ayaa hadane la rumeysan yahay inuu u soo dhaqaaqi doono midkod City iyo Arsenal, dhanka kale Man City ayaa dooneysa Wanyama inkastoo xiddigan xagaagi hore iyadoo ay City xiiseneysay uu ku biiray Southampton hadane kooxda maal qabeenada ah ay diyaar u yihiin inay la soo wareegan laacibkan marka uu suuqa dib u furmo bisha June.