Manchester United Oo Qorsheyneysa Inay 59£ milyan Kula Soo Wareegto Labba Ciyaaryahan Oo Ka Tirsan Juventus.

Manchester United Oo Qorsheyneysa Inay 59£ milyan Kula Soo Wareegto Labba Ciyaaryahan Oo Ka Tirsan Juventus.
MAN 2

Kooxda ku ciyaarta gegeada Old Trafford ayaa qorsheyneysa inay xagaaga dalab weyn oo ku kacaya aduun lacageed gaaraya 59 milyan Pound ku bixiso sidii ay ku heli laheyd mataanayasha khadka dhexe Ee Juventus Arturo Vidal iyo Paul Pogba.
Tababaraha Man United David Moyes ayaa loo gacan gelin doona 59 milyan Pound isagoo durba qorsheystay inuu la soo wareego laf dhabarka Juventus Vidal wuxuna ololo xoogan u gali doona inuu dib u soo celiyo Paul Pogba, Moyes ayaa si fiican uga fiirsan doona xiddigaha khadka dhexe Ee uu la soo wareegayo isagoo ku taam yeelaya kuwa haatan kooxda u jooga si dhibaatada heysata uu uga gudbo sanadka soo socda.
Paul Pogba ayaa isaga tagay United 2012 isagoo ku biiray Juventus wuxuna xaqiijiyay inuu yahay laacib aan la iska iibin oo muhiimad weyn ku fadhiya iyadoo uu Conte kalsooni dheerad ah siiyay da’a yarkan halka Moyes uu ku doonayo inuu xiddigan 30 Milyan Pound dib ugu soo celiyo Old Trafford.
man unit 1

26 jirka heerka caalami Ee xulka Chile Arturo Vidal ayaa sido kale ka mid ah qorshaha Moyes xilli ciyaaredka soo socda iyadoo xiddigan uu xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay xiddigii ugu fiicna Juventus isagoo kooxdisa ka caawiyay inay labba sano oo xariir ah ku guuleysato Scudetto.

Vidal ayaa u saftay 105 kulan isagoo u saxiixay 37 gool uuna caawiya ka ahaa 20 gool, Moyes ayaa ku doonaya inuu 29 milyan Pound uu ku soo xero galiyo Vidal inkastoo Juventus ay dhowr jeer ku celcelisay inaysan iib aheyn labaddan xiddiga halka ay Real dhankeda ka doondooneyso Vidal.
Laaqalo