Maradona Oo Xiddigaha Man United Kula Kulmay Tababar Ay Ku Qaadanayaan Dubia. (Daawo Sawirada)

Maradona Oo Xiddigaha Man United Kula Kulmay Tababar Ay Ku Qaadanayaan Dubia. (Daawo Sawirada)
MAARADOONA

Ciyaartoyda Manchester United ayaa u bartay inay sawiro la galaan taageerayaashooda laakiin iyaga ayaa markaan ahaa taageerayaasha markii Diego Maradona uu tagay garoonkooda tababarka ee fasaxa ay ku joogaan Dubai.
MAARADOONA 2

Xiddigii hore ee Argentina oo lagu xusuusto goolkii uu gacanta kaga dhaliyay England ee Koobkii Adduunka ee 1986 ayaa ciyaartoy Man United ku booqday tababarka cimilada kulul ee ay ku sameynayeen Dubai isbuucaan.
Robin van Persie, Juan Mata, Rio Ferdinand iyo David de Gea ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii Man United ee safka u soo galay inay sawir la galaan 53 jirkaan ka hor inta aysan sawiradooda soo dhigin Twitter.

Maradona ayaa si aad ah looga qadariyaa caalamka kubada cagta, iyadoo Mata iyo Van Persie ay sheegteen inay yihiin taageerayaashiisa ugu weyn.

Labada ciyaaryahan ee United ayaa qarsan waayay sida ay ugu faraxsanaayeen markii ay tababarka kula kulmeen Maradona iyadoo ku amaanay Twitter.
“Mudanayaal iyo marwooyin, ninkii cagta bidix ee abidg ugu fiicnaa! EL DIEGO. #Maradona,” ayuu qoray Mata.

Van persie ayaa isna qoray “Waa wax weyn inaan la kulmo geesigeygii mar kale, Diego-hii ugu fiicnaa abid.”
Ferdinand ayaa isna soo dhigay Instagram isagoo la sawiran Maradona waxaana uu soo qoray: “Anigoo la jooga #TheLegend #DiegoMaradona #TheGreatest’.

Goolhaye De Gea ayaa isna yiri: “Wax weyn ayay aheyd inaan la joogo Number 10kii abid ugu fiicnaa!! “ElPelusa”

Laaqalo