Maraykanka Oo Ciidamadiisa Qaar Ka Mid Ah U Soo Diraya Soomaaliya. (Salaanmedia.com)Dowlada Mareykanka oo horay u sheegtay inay sanadkan 2014 ay gebi ahaan ciidamadeeda kala baxeyso dalka AFGANISTAAN ayaa la sheegayaa in ay qorsheyneyso in qaar ka mid ah ciidamadaa loo diro dalka Soomaaliya.

Maraykanka Oo Ciidamadiisa Qaar Ka Mid Ah U Soo Diraya Soomaaliya.
(Salaanmedia.com)Dowlada Mareykanka oo horay u sheegtay inay sanadkan 2014 ay gebi ahaan ciidamadeeda kala baxeyso dalka AFGANISTAAN ayaa la sheegayaa in ay qorsheyneyso in qaar ka mid ah ciidamadaa loo diro dalka Soomaaliya.
usa-300x189

Warar laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamo tiradoodu gaareyso 5 kun oo askari isuguna jira ciidamada dhulka iyo kuwa cirka loo qorsheeyay in ay ka howl galaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho.
Mareykanka hore ugu fashilmay fara gelintii uu ku sameeyay dalka Soomaaliya sanadkii 1993-kii kadib markii 18 askari oo kamid ah ciidamadiisa mariiniska lagu dilay meydkoodana lagu jid jiiday magaalada Muqdisho 3-dii october 1994-kii, Mareykanka ayaa arintaas kala kulmay fadeexo xoog leh oo ku khasabtay in uu si deg deg ah ciidamadiisa ugala baxo dalka Soomaaliya.
Mareykanka ayaan weli si rasmi ah u shaacin xiliga uu ciidamada u dirayo dalka Soomaaliya , inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in sanadkan 2014 gudihiisa ciidamada Mareykanku ay soo gaari doonaan dalka soomaaliya, dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa isweydiinaya qaabka ay ciidamada mareykanku ku imaanayaan soomaaliya maaaama ay hada soomaaliya joogaan ciidamo africa ah oo hoos taga ururka midowga Africa.

Laaqalo