Masuuliyiinta Sare Ee Dowlada Soomaaliya Oo Doonaya Iney Al-Shabaab Kula Dagaalamaan Caga Jugleyn Iyo Booto

Masuuliyiinta Sare Ee Dowlada Soomaaliya Oo Doonaya Iney Al-Shabaab Kula Dagaalamaan Caga Jugleyn Iyo Booto
MUQDISHO OME

Muqdisho: (Salaanmedia.com) Inkastoo weerarada Al-shabaab ay sanooyinkanba caadi ka ahaayeen magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, haddana weerarkii ay Jimcihii ku qaadeen madaxtooyada waxaa uu weji gabax iyo Ceeb ma hadho ah ku noqday madaxda dowlada, halka shacabka Soomaaliyed uu ka soo hadhay yaab iyo amakaag.
Ma jiro qof Soomaali ah oo ku fekerayey in koox taabacsan Al-shabaab ay si fudud ku geli karaan madaxtooyada Somalia oo ah goob aad loo ilaaliyo oo ay degan yihiin madaxda dowlada.
Hase ahaatee 10 wiil oo ka tirsan Al-shabaab ayaa dharaar cad derbiyada ka daatay, ka dibna gudaha u galay madaxtooyada, iyagoo hamigoodu yahay iney nolosha ku soo qabtaan ama dilaan madaxweynaha dalka, (nin sigtay ma noola) inkastoo aysan taasi u suuragelin haddana ugu yaraan waxay gaareen albaabka laga galo masjidkii uu madaxweynaha ku tukan lahaa, waxayna dileen masuuliyiin iyo saraakiil muhiim ah.
Weerarkan ayaa waxaa ku quustay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo awalba aan rajo badan qabin halkii ay cir ka filayeena ay ceeryaamo uga timid, ka dib markii ay arkeen dowladii ay ka sugayeen iney amaankooda xaqiijiso oo iyadaba amaankeeda khal khal la geliyey.
“Xitaa xiligii Shiikh Shariif madaxweynaha ahaa shabaabna ay magaalada joogeen ma dhicin weerarkan kanoo oo kale ah, madaxda dowladan way isdhigteen markii la yidhi dowlad rasmi ah ayaa tihiina waxay ka dhamaan waayeen safar dibedeed iyo ka qeyb gal shirar aan faaiido laheyn, shabaabna intaas waa aamusnaa laakiin mindiyaha ayey soofeysnayeen” sidaa waxaa yidhi oday ka mid ah dadka Muqdisho oo wejigiisa rajo beel uu ka muuqday.
Maalintii Jimcihii intii uu weerarku socday wasiirka amniga oo iska dhigaya sidii nin shaqo fiican qabtay, ayaa idaacad Muqdisho ku taala ka sheegay in weerarkii Al-shabaab madaxtooyada ku soo qaadeen ay fashiliyeen aysana jirin masuuliyiin wax ku noqotay.
Hase ahaatee hadalka wasiirka oo markii horeba u muuqday mid lagu deg degay ayaa beenoobay, markii la ogaaday in xoogagii Al-shabaab ay gudaha u galeen madaxtooyada, ayna dileen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada.
Hadaba madaxda dowlada ayaa iyagoo isku dayaya iney daboolaan ceebta heysata waxay doonayaan iney Al-shabaab kula dagaalamaan cagajugleyn iyo Booto aan dhamaad laheyn iyagoo khudbadaha ay ka jeediyaan munaasabadaha ay ka qeyb galaan ku soo qaata hanjabaado aan ficil loo bedelin illaa hadda.
Illaa hadda lama hayo masuul shaqada looga eryey inuu waajibaadkii loo xilsaaray gudan waayey, iska daa taas iney dhacdee masuuliyiin xukuumadii ay ka tirsanayeen fashil awgeed loo riday, ayaa mar kale xilalkii dib loogu soo celiyey sababo la xidhiidha nin jecleysi awgeed, iyadoo la eegi waayey maslaxada Qaranka..

LAAQALO