Maxaa Kala Haystay Wasiirada Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo?

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Labadii sannadood ee u dambeeyay waxa banaanka u soo baxayay is qab-qabsi u dhexeeya qaar ka mid ah wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo salka ku haya dhinaca awoodda iyo shaqada.
kala-haysta-60x45

Dhawr wasiir ayaa sannadkii la soo dhaafay ee 2013 shaqada ka joojiyay agaasimayaashoodii guud oo ay digreeto Madaxweyne ku wada magacaabanyihiin, waxaanay intooda badani isku maandhaafaan dhinaca awoodda iyo maamulka wasaaradda. Wasaaradahan waxa u dambeeyay wasiirka kalluumaysiga Md. Cali Buureed oo Arbacadii la soo dhaafay shaqadii ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradiisa Md. Maxamed Cilmi Aaden (Ilkacase).

Shir la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo badhtamihii sannadkii hore la yeeshay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha, ayaa la sheegay inay badankoodu Madaxweynaha ugu bandhigeen tabashooyin maamul oo ay ka tirsanayaan wasiiradooda, waxaanay agaasimayaasha guud ku eedeeyaan wasiiradooda in mar kasta oo uu khilaaf shaqo dhex yimaadaba ay u adeegsadaan shaqo ka joojin.
Khilaafaadka wasiirada iyo agaasimayaasha oo ay wararku sheegaan in qaar ka mid ah uu Madaxweyne Siilaanyo dhawr goor ka garnaqay ayaa u muuqda kuwo soo kordhaya, waxaanay muranadoodu saamayn toos ah ku yeelanayaan hawlmaalmeedka shaqo iyo maamulka wasaaradaha.
Geeska

Laaqalo