Maxaa u sabab ah Khilaafka-cakiran ee soo kala dhexgalay Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda, Galaaftayna Hawlihii Wasaaradahaasi Qaranka u hayeen Read more: Maxaa u sabab ah Khilaafka-cakiran ee soo kala dhexgalay Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda, Galaaftayna Hawlihii Wasaaradahaasi Qaranka u hayeen

Maxaa u sabab ah Khilaafka-cakiran ee soo kala dhexgalay Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda, Galaaftayna Hawlihii Wasaaradahaasi Qaranka u hayeen Read more: Maxaa u sabab ah Khilaafka-cakiran ee soo kala dhexgalay Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda, Galaaftayna Hawlihii Wasaaradahaasi Qaranka u hayeen
Ogaal

Hargeysa, 06 Feb 2014 (Salaanmedia.com)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa intii ay talada dalka haysay waxa soo noq-noqonayey khilaafka u dhaxeeya Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda. Halka la sheegay in waqti xaadirkan uu khilaaf ka dhex-aloosan yahay Wasiiradda kala ah, Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Khayradka Somaliland iyo Agaasimaha Wasaarada, Wasiirka wasaarada Kullumaysiga Buureed, Agaasimaha guud Ilkacase, Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimaha guud ee Wasaarada, Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil, Agaasimaha guud , Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-galinta Cabdillaahi Daahir Cukuse, Mareeyaha Tv-ga qaran Khadar Gas iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas Cabdirashiid Jibriil Yuusuf , ayaa dhamaan la sheegay in muranka u dhaxeeyaa masuuliyiintan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid curyaamiyay hawlihii Wasaaradahaasi qaranka u hayeen. Sida Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola khilaafka ka dhex-taagan masuuliyiintan, ayaa Wargeyska Ogaal u sheegeen in Wasiirka biyah iyo khayraadka Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdule iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada biyaha Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa la sheegay inuu khilaaf-xoogan oo gabi-ahaan hawlihii shaqo ee Wasaaradaasi u haysay qaranka xanibay ka dhex-taagan yahay labada masuul ee Wasaarada ugu sareeya, kaas oo la tilmaamay inuu murankoodu salka ku hayo markii Wasiirka biyuhu soo celiyaya afar nin oo hore shaqada looga eryay arrimo musuq-maasuq, kana dhigay Agaasimo waaxeedyo awood badan ka haysta Wasiirka, lana wareegeen shaqadii Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada biyaha. Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Cabdirashiid Cabdillaahi Maxamed, ayaa la sheegay in khilaaf waqti hore ka dhex-qarxay labada masuul ay salka ku haysay awoodaha maamul ee Wasaarada diinta iyo aw-qaafta, taasoo la sheegay in Sheekh Khaliil markii dambe shaqadii ka joojiyay Agaasimaha guud ee Wasaarada, Agaasimuhuna mushaharka oo kaliya soo doonto, ilaa immikna khilaafkooda wax xal ah loo helin.

Waxa kale oo khilaaf ba’an ka dhex-taagan yahay Wasiir Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Daahir Cukuse, mareeyaha tv-ga qaran Khadar Cali Gas iyo Agaasimaha Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, isla markaana Ilo-wareedyo u dhuun-daloola Wasaarada warfaafinta ayaa Wargeyska Ogaal u sheegay in doraato Wasiir Cakuse Xayiray Lacagtii Mushaharaadka Shaqaalaha TV-ga Qaranka, kadib markii uu Maareeyaha Khadar Gaas uu Wasiirka Saxeexiisa ka Saaray Warqadii dalbashada lacagta mushaharka shaqaalaha Wasaarada. Wasiirka Wasaarada Kullumeysiga Cali Faarax Guuleed (Bureed), iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi maxamed Cilmi Aadan, ayaa la sheegay inuu khilaaf soo kala dhex-galay ka dhashay sida warku sheegay shir lagu qaabanayey magaalada Berbera oo lagaga hadlayay siyaasadda Kalluumaysiga, kaas oo ha’yaddii maalgalinaysay daaha ka rogtay inay ka soo qayb-galayaan masuuliyiin ka socda dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul-gobaleedka Puntland. Arrintan ayaa la wariyay inay isku maandhafeen Agaasimaha iyo Wasiirka Kalluumaysiga, balse la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Saylici u saaray Guddi ka kooban wasiiro sidi ay u xalin lahaayeen khilaafka ka dhex-gaan masuuliyiinta. Sidoo kale xogaha Wargeyska Ogaal ka helay muran hore qaar ka mid ah warbaahintu ay faafiyeen war sheegaaya in khilaaf soo kala dhex-galay Wasiirka Wasaradda cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas Abiib Axmed Cali,ayaa la sheegay in arrinaasi ay salka ku haysay xagga awoodaha ee hawlaha wasaarada, waxaanay ilowareedyadaasi tibaaxeen in khilaafka u dhaxeeyay labadaas masuul la soo af-jaray. Hase yeeshe Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda ayaa labaduba ay ku magacaaban yihiin digreeto Madaxweyne, isla markaana waxa in badan soo noqnoqda khilaafka Masuuliyiinta Xukuumadda oo markiiba Wasiirkuna shaqadii ka joojinayo Agaasimaha. Read more: Maxaa u sabab ah Khilaafka-cakiran ee soo kala dhexgalay Wasiiradda iyo Agaasimayaashooda, Galaaftayna Hawlihii Wasaaradahaasi Qaranka u hayeen
Xigasho Ogaal